Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in qurba joogta Soomaaliyeed ee waayadan dalka kusoo laabanayso ay wadaan howlo anshax Xumo ah.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Hodan ayaa Mudane Tarsan waxaa uu sheegay in in gabdho iyo Wiilal badan ay tagaan xeebta Liido iyagoo wada dhaqan aan ku banaanayn shareecada Islaamka.
Waxaa uu sheegay in aan la ogolaan doonin kuwa samaynaya falalkaas anshax xumada ah oo ay kamid tahay qaawanaanta iyo waxyaabaha kale.
Ciidamada Ilaaliya xeebta Liido ayuu sheegay in amar buuxa lagu siiyay in ay mudo 24 saac ah xabsiga dhigaan cidii lagu qabto iyadoo falalkaas anshax xumada ah ku jirta.
Asc sln kadiib warqaad fadlan nagadaya beenta ma aboddiin dhageeysiga hadalka markasta hadal xiiso le baanagu dhah daan dhageyso mana helno meel anka dhageeysto markasta niyadda badnasoridaan
Qurbo joogta waxaa kadaran tarsan saa waa ninkii yiri dimuqradiyadu waa xalaal marka asagu isma maqla miyaah
Waa arin gudoomiyaha uu lasoo daahay ku dhawaaqeda allaa mahad leh haduu hada gartay.waana tilaabo fiican waayo bulshada soomaaliyeed dhaqan,sharaf iyo diin midna uma ahan.“gudoomiye tilaabo qaad ayaan kuoranayaa”dadka samaynayo alle kacabsada.soomaalinimo waad katagteen gaalnimo na maydan gaarin waayo idin dhihi maayo gaal baad tihiin midakale waa ilbax nimo xumo waaye arimahaas ee fadlan kafogaada
Tarsan waxad tahay munafar munafaq dhalay mad ka hadashid kuwa u tagayo amison iyo kenya iyago xijab watan raxmada allah ka qado
Waa gu mahdasanyah tarsan