Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta isga oo ku sugan dalka Kenya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay mas’uuliyiinta dowladda Uganda kuwaasi oo uu kala hadlay arrimaha gaashandhigga.
C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in dowladda Uganda aya wada hadleen arrimo ay ugu weyned tababarada ay u sameeyaan Ciidamada dowadda Soomaaliya kuwaasi oo lagu qabto dalkooda waxaana uu sheegay isku afgarteen in tabaradaasi lagu qabto gudaha Soomaaliya.
“Uganda, waxaan kawada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn tabarada ciidamada la siinayo iyo sidii tabaradaas loogu bixin lahaa gudaha dalka, waaxana isku afgaranay arrinkaasi” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiis isfahan ah oo ku aadan intabarada lagu bixiyo gudaha dalka uu la saxiixan doono dowladda Uganda bisha soo aadan marka uu dalkaasi kaga qeyb galo munaasbad tababar loogu soo xirayo ciidamo dowladda ah oo muddo 6-bilood ah halkaasi lagu tababarayay.
“Marka aan ku laabto dalka Uganda oo aan ka qeybgalayo munaasab tababar loogu soo xiriyo ciidamo dowladda ah ayaa uga faa’iideysan doonaa in ay heshiis isfaham ah kala saxiixanayo Uganda oo ku aadan in ciidamada lagu tabaro gudaha Soomaaliya, waxana uu dhicidoonaa Bisha February 1-deeda” sidaasi waxaa markale yiri Mr Fiqi.
Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay safar ku joogay dalka Uganda waxana mas’uuliyiinta wadankaasi kala hadlayay arrimaha ciidamada iyo sidii taageerada Uganda ay siiso Soomaaliya ay u sii xoojin laheyd.
waziirka waan ku tageereyna arintaan hadii ey dhab noqoto