Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidanka Amaanka oo Xabsiga dhigay koox Macalimiin ka ah dugsiyada Quraanka

Ciidanka amniga ee magaalada Hargeysa, ayaa xalay xabsiga u taxaabay dhawr ka mid ah macaliimiinta wax ka dhiga madaarista diiniga ah ee magaalada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan dawladdu ka soosaartay xadhigaas, haddana siday ilo xogogaal ahi u sheegeen Warqaad.com, hay’addaha amaanku waxay qabqabteen ilaa afar xubnood oo ka mid ah culimada magaalada, kuwaasoo xalay cawayskii laga dhigay dugsi Quraan ay wax ka dhigaan oo ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta caasimadda Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku daray, in macalimiintan lala xidhiidhiyay inay ku xidhan yihiin kooxaha qaska ka wada Koonfurta dalka Soomaaliya, inkastoo ay weli baadhisiti ku socoto. “Waxa la xidhay saddex macalin iyo wiil ka mid ah ardayda ay wax u dhigayeen, waxaana lagu kala xidhay laba saldhig oo kala duwan,” ayuu yidhi mid ka mid ah ehelada ragga la xidhay midkood.

Waxa uu sheegay in aanay garanaynin sababta loo xidhay, isla markaana ay hay’addaha amaanku hadda baadhis ku wadaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in culimada la xidhay ay ka mid yihiin; Yuusuf Bacaluul, Muuse Haybe, Faysal-Garbo iyo wiil ardayda dugsigooda ka tirsan.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo xidhay raggaas iyo inay jiraan shaqsiyaad kale oo tuhun la mid ah xadhigooda iyana loo qabqabtay.

Dhawr jeer oo hore, waxay ciidanka amnigu qabqabteen shaqsiyaad falal amni-darro lagu tuhmay ama lala xidhiidhiyay inay gacan-saar la leeyihiin kooxaha ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

3 Responses to Ciidanka Amaanka oo Xabsiga dhigay koox Macalimiin ka ah dugsiyada Quraanka

  1. somali army says:

    asc waxan ledahay waxa nabadgalyada umada islamka u diday wa macaliminta dugsiyada ee ha la xidh xidho

  2. sadri says:

    warqad wxa dhib nagu hayo markan aqrineyno maqaladina waraq meesha so saartaan o facebooka ah
    mobel ayan ka aqrinaa

  3. Arinkas waxba kamajiro somaliland na waxey keli ah ey doneysa in ey iskuso jediso indha calamka sifa ey uhesho kalmo&daqalo u silanyo taag ugu helo xukumadisa meynan firinin in ey isku deyan in meshi ey indha calamka ey qancin lahayen in ey qanciyan ILAHEY.MIDA kale shacurta dadka somaliland hada kumajirto waxyalaha hada kajira konfurta somalia mana udaneynayan umada konfur balse waxey hada iskusojediyen umad an fahansaneyn waxey kuedeynayan 4tas culumu balse wey iska dax arki donan siyad bareba wuxu edeey culumadi u layey daxalkodina wu heley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII