Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Somali Star Award oo lagu qabtay Magaalada Delft ee Wadanka Netherland+Vidoe

429087_514452955261427_1813060863_nMunasabad balaraan oo lagu magacdaray Somalia Star Award ayaa waxaay ka dhacaday Magaalada delft ee Wadanka Holland.

 Musanabadan oo ujeedkeedu ahaa in lagu abaal mariyo Shaqsiyaadka Haldoorka u ah Bulashada ku nool Magaalada Delft iyo Guud ahaan Wadanka Netherland.

Munasabada ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Midnimo ee ay ku mideysan yihiin Jaaliyada Somaliyeed ee Magalada Delft waxaana Fikirkaan Qabashada Munasabadan Curiyay Aqonyahanada wax ku bartay Wadanka Holland ee kala ah Cabdikariin Maxamuud Sh iyo Xusein iyo Khaalid oo ah Xildhibaanka kaliyah ee Somalida wadanka holland ugu jira Dowladaha Hoose ee Wadanka Holland.

Inta ay socotay Munaasabadaas ayaa waxaa Bilado la gudonsiyay Arday Aqonyahano iyo Xubno u dhaq dhaqaaqa Bulashada

waxaana xubanahaasi kamid ahaa

dhanka ardayda

Maxam,ed yusuf Askari
Shuri Hamza
Abdimalik Mustafa
iyo Sahro Sh .ismaciil

Dhanka Aqonyahanada wadanka wax ku bartay

Du,caale Cali Yusuf
khadro Ibrahim

Dhanka waxqabadka Bulashada
Sh.Ismacil Dahir Barre
Cabdiladiif Axmed Maxamuud
Axmed Yusuf Liwaardan
Cabdiraxman Baashi
Amino Maxamed
Shukri Cabdisaalan
Xalimo Mayow

Munasabada Somalia Star Award ayaa waxaay dhiri galin iyo Farxad u noqotay caruur badan oo wax ka barata Magaalada Delft ee Wadanka Holland kuwas oo hada ka dib dadaal dheeri ah u gali doona sidi ay u hanan lahayeen biladi ay hanteen sanadkan  qaar ka mid ah caruurta ku dadaashay Waxbarashada.

Munasabadan oo ahayd midi ugu horeysay ee noceda oo kale lagu qabto wadanka Holland ayaa waxaa si weyn u soo dhaweyay qaybaha kala duwan ee bulashada somalida ah ee ku nool wadanka holland.

Inta ay munasabadan socotay waxaa ka hadlay Masuliyiin  ka tirsan  Dowlada hoose ee Magaalada Delft oo ay ka mid yihiin  Axmed Yusuf  Warsame iyo   Xildhibaan  Khalif Xasan.

Waxaa sido kale  hadalo qimo badan ka soo jeediyay Gudomiyaha Ururka Midnimo  Ibrahim waxaan uu shacabka Somaliyeed ugu baqay in ay noqda 0.1 oo uu uga jeeday in Somalida ay midowdo oo ay noqoto hal far.

Sido kale waxaa Ereyo wacdi iyo waano iskugu jiray  ka jeediyay  Furitaanki  Musabadan  Dr Cumar Weheliye  waxana uu ku dheeraday  qimaha ay leedahay in lagu dhaganado Diinta iyo  dhaqanka  qaas ahaan  in la adkeeyo  barashada luqada Somaliga oo ay caruur badan oo wadanka holland ku dhashay ilobeen.

Waxaa sido kale Musanasabada ka hadlay  Oday  Maxamed Lugod oo ka mid ah  Golaha  Barlamanka Midnimo Delft   Maxamed waxaa uu si weyn uga hadlay waxqabad u Aqonyahan Cali Yaxye uu ka wada Gobolada Somalia waxaana uu shegay in Yaxye Foundetion oo ah  Hay,ad wax barta Agonta Somaliyeed inta ay jirtay in ay qabatay  wax la taaban karo  hadana ay mudantahay in guud ahan Jaliyada Somaliyeed ee Holland ay garab istagaan Yaxye Foundetion.

Ugu danbeyn waxaa madasha  ka hadlay  Aqonyahan Cali Yaxye oo  asagu la gudonsiyay bilada shaqsiga ugu dadaalka badan Somalida Holland waxaana uu shegay in usan ku soo talagalin in la gudon sin doono abal marin intaas le,eg  sidaas daraaded usan qudbad dheer jeedin doonin  balse uu shacabka reer Delft ugu baqayo in ay ilashadan Midnimadooda.

 

Sayid Cali Maxamed Cali

Delft,Netherland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII