Dalka Kenya ayaa waxaa dhawaan ka dhici doonta doorashadii guud iyadoo laga war hayo in tartamayaasha sanadkan ay ku jiraan kuwii isku laayay doorashadii lasoo dhaafay.
Warbixino cusub ayaa muujinaya in Kenya ay halis xoogan ugu jirto in ay ka dhacaan iska hor imaadyo la mid ah kuwii doorashadii hore ka dhacay.
Dad badan ayaa udiyaar garoobaya dagaal iyagoo gadanaya masaaro, baangado iyo qalabka kale ee wax muda ama dhaawac.
Ilo xogo-gaal ah ayaa uxaqiijiyay saxaafada in boqolkiisa 58 dadka ay yihiin kuwa qalab dagaal ugadanaya in ay isdifaacaan halka kuwa kalana ay yihiin weerar hadii doorashada looga adkaado dhinaca ay la jiraan, warbixinta ayaana intaas ku daraysa in ay jiraan dad kale oo dareen kale ku jooga.
Dadka Soomaalida ah ayaa aamisan in ay kamid yihiin dadka la ugaarsan doono hadii lagu murmo doorashada soo aadan.
Wariyaal badan oo yimid Xaafada Islii ayaa sheegay in Dadka Soomaalida ah ay ucabsanayaan ganacsigooda iyo naftooda.
Ra’isul Wasaaraha KENYA Raila Odinga ayaa hogaaminaya xisbiga Cord ee tartamaya halka Kenyatta oo isna hogaaminaya xisbiga Jubille uu isna yahay musharax, Musalia Mudavadi ayaa utaagan xilka madaxweynaha Kenya.
Dhamaan Ragaas waa kuwii kusoo jiray ololaha doorashadii lasoo dhaafay 2007-dii waxaana ku jira dad dacwadooda taal maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC.
Kumanaan ruux ayaa ku dhimatay rabshadao ka dhacay dorashadii lagu murmay ee ka dhacay gudaha dalka Kenya taas oo ugu danbayntii lagu xaliyay awood qeybsi siyaasadeed.
Warqaad.com/Nairobi office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
warya benta dafa kenya wa nawat dorasha nawat ayey kudici wayo kenya waha kunol tat nawata jecel
Kenya burburki somalia iyo kadaran ankugu ogahay doonfaarta sanka wey
Kukuy nbad lagama helayo hadi laga helo dorashada
Sida somaliya inay noqoto ayaan rajaynaynaa inshaa allah