Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku geeriyootay 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen shilgaari oo ka dhacay deegaanka Laanta Buure.
Wararka halkaasi aanu ka heleyno ayaa sheegaya in labo gaari oo nuuca Hoomeyg looyaqaano ah ay isku dhaceen islamarkaana dadkii gaari la socday ay waxyeelo soo gaartay.
“Haa waxa uu ka dhacay shilgaari Laanta Buure, waxa ay ahaayeen Labo Hoomay waxa isku dhacay waxana ku dhintay 3-ruux 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen” sidaasi waxaa sheegay goobjooge kusugan Laanta Buure.
Dadka shikan ku dhawacmay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal ka agdhaw halka ay wax ka dhaceen laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadka dhawcmay xaaladiisu lii dato.
Shilalka gawaarida ayaa waxaa loo sabeeyaa dhinacyo badan oo ay ugu horeyso burburka wadooyinka.
Intii ku dhimatey allah unaxriisto inta ku dhaawacanteyna allah habogsii waa dhacdo aad uxanuun badan lkn waxaan leenahay ina lilaahi wa ina ileeyhi raajacuun