Xerooyinka qaxootiga ee dalka kenya ayaa waxaa degan boqolaal kun oo Soomaali iyo dalal kale kasoo jeeda kuwaas oo la kulma dhibaatooyin dhinaca amaanka ah.
Boqolaal ruux ayaa isugu soo baxday jidadka waa weyn ee xerda IFO kuwaas oo si aad ah uga xun dhibaatada amaan xumada ah.
Dadkaas ayaa watay boorar ay ku diidan yihiin kooxaha hubaysan ee dhaca iyo dilalka joogta ah ka wada Xerada IFO.
Dadkaas ayaa Allah ubaryayay in uu ka dul qaado dhibta ay ku hayaan kooxaha hubaysan.
“Alla hanaga qabto kuwaas inkaarteena ayaa ku dhacaysa,’ayu sheegay mid kamid ah dadka banaanbaxayay oo lahadlay Warqaad.com.
Dadka banaanbaxayay ayaa socod ku tagay saldhiga weyn ee amaanka Ifo xiligaasna ciidamada amaanka oo moodayay in iyaga weerar lagu yahay ayaa rasaas furay, mana jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya iyo shacabka oo iskaashanaya ay gacanta ku dhigeen labo nin oo hubaysnaa kuwaas oo kamid ah kooxo amaan xumo ka gaysta gudaha Xerooyinka qaxootiga gaar ahaan FO.
Marar badan ayaa dilal bareer ah ay ka dhaceen xerada IFO iyadoo dadka dilalka gaysanaya ay yihiin Soomaali hubaysan.
Warqaad.com/Ifo-DADAAB-Kenya
Hassan Muuli
Asc dhamaan dadweynaha kunool xarooyinka qaxotiga waxan doneyna aman
Wow?
Bismilah magaceygu waa mustafa aboot maxaayi ilah baa aboodleh waxaan afka kidixilaxaa somaali bogolkiba lixdan gaalaway wayo waad arkeysaan waxaa dacay waana lalasocdaa alow dulka lago ilaxey halabariyo asaga untey asagana qabankara qabashadisanu waydarantahay marka waxaan leenaxay ilaahiyo aduunka kuhelaag kolba waad ogtixin burcad laxirey in islamarkiba laso deynayo oo sheqadiisu iska siiwadanay marka waxii la arko xaladilow qabiil waxkuutarimaayo
Soomali hubaysan ma ahane. Waa cagdheer hubaysan dhaha
Cagdheer inayna aqli lahayn ma ujeedan adoonta gabdhahooda suuqa ku kufsada kamana xuma taas badalkeedna waxay usoo hubqaateen inay qoxootiga somaliyed ee masaakiinta ah dil dhac iyo kufsi maalinkasta la kortaagnaadan
Waana mid lagula xisaabtamidoono marlay iyagoo cagadhaadher laga waynmaayo somaliya dhexdeede
Allaha naga qabo dadka arqalada ka wada ifo wxan joga ifo 22year mana anan la kulmin dhacdoyin midan ka fool xun
Ducoyinki jimcada ilahey wu ajibey wayo ilahey wa kan ugu xishod badan ceb&xumana ka hufan wuxuna kaxishoda umadisa u aburtey in gacmahoda fara maran ey lalabtan. Durbadiba 3dex burcad bari aya isla malinti jimcaha eheyd lagu qabqabtey xabeykedina 5burcad sidata 1qori&10 alwax qori kushegti aya ilehey askarta afka ugeliyey.korkoda aya qiiq ka kakacdey hadi aynu nahay somalida qaxotiga kuahay qurbaha waxan aminta ugu kalmeyneyna duca walbo lagu donayo midnamada&xasiloni da umadena somalia anaga wararka waxeynu ka helna warqaad iyo waxi la halmana alow weriyashena nobad badi.amiin amiin
DADKA DHIBTA KA WADO XIRAYAH QAXOOTIGA EE DADAAB GAAR AHAN XIRADA IFO ALLAH WAXAN UUGA BARYAAYAA IN UU SOO QABTO OO LUGU DHAXDIILO SUUQYADA ALLOW NABAD BALARAN