Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada oo xafiis cusub maanta ka furatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Munaasabada Xariga looga jarayay dhismaha cusub oo ay ku shaqeyn doonaan laguna tabari doono shaqaalaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa maanta waxaa lagu qabtay garoonka Diyaaraha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqedisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amaniga Qaranka, Safiirka dowladda Jaban u fadhiya Soomaaliya, hogaanka laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo madaxkale.

Ugu horeyn dhismaha cusub ee ay ku shaqeyn doonaan shaqaalaha laanta socdaalka iyo jisiyadaha Soomaaliya ayaa waxaa xariga ka jaray Wasiirka Arrimaha gudaha iyoAmniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed.

Goobta ay munasabadu ka dhaceysay ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyay madaxadii ka soo qeybgalay.

Ugu horey Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Janaraal Cabdulaahi Gaafow ayaa sheegay in dhismahan uu waxbadan ka saaci doono howsha Socdaalka Soomaaliya iyo shaqada garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Safiirka Jaban u fadhiya Soomaaliya oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan weyn ka geystay dhismahan qarashka ku baxay waxana uu aad u amaanay isbadalka Soomaaliya isagoo sheegay in hormar weyn Soomaaliya aysameynayso lana dareemi doono maalmaha soo aadan.

Ugu danbeyn WasiirkaArrimaha Gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo hadlay ayaa u mahad celiyay dhinacyadii gacanta ka geystay dhismahan waxana uu sheegay in howl qaali ah loogu qaban doono shacbiga Soomaaliyeed.

Si kasabta garoonka Aadan Cade ayaa waxaa ka soconaya dib u dayactir weyn iyadoona xafiiska uu waxbadan ka qabab doono dadka soo galay Muqdisho iyo kuwa kabaxaya.

 

1

3

 

 

2 Responses to Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada oo xafiis cusub maanta ka furatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

  1. balcad boy says:

    Gafow gulayso waliga garonkas ada hayay oo hormar kakenay ila 80 yadi guuul iyo shaqo hufnan aya kurajaynayaa

  2. oska says:

    THANKS JAPAN GOVERMENT AND THE REST WHO SUPPORTED US.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII