Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kolonyo gaadiid ah oo qarax Askari ku dhimatay lagu la eegtay gobolka Waziristan ee dalka Pakistan

Qarax ka dhashay bom la dhigay wadada dhinaceeda ayaa waxaa ku geeriyooday 14-askari halka 20-kalana ay uu dhawaacmeen, kaasi oo ka dhacay gobolka ay qabaa’ilku ka taliyaan ee Waqooyiga Waziristan, sida laga soo xigtay saraakiisha Amaanka. 

Hal gaari ayaa gabi ahaan burburay kaasi oo qaraxu uu ku haleelay goob ay ku xoogan yihiin Meeleeshiyaadka Daalibaaniyiinta ee dalka Pakistan. 

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa soo gaaray diyaaradaha Helicopters-ka ah kuwaasi oo gacan ka geysanayay in dadka dhawacmay loo qaado Isbitaal. 

Gobolada ay qabaa’ilku ku badanyihiin ee Pakistan ayaa waxaa muddo dheer u aheyd saldhig kooxaha mitidiinta deegaanka iyo Ururka Al Qaacidda. 

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in weerarka qaraxa ahaa uu ka dhacay meel u dhaw xaafada Dosali oo ka tirsan gobolka ay qabaa’ilku ka taliyaan ee Waziristan. 

Majirto koox sheegatay weerarka qarax ee ka dhacay halkaasi. 

Qaraxan ayaa imaanaya maalin kaddib markii Daalibtaanta Pakistan aya sheegtay in ay laba jibaareyso weerarada ay kula dagaalameyso waxa ay ugu yeertay cadowga soo duulay.

One Response to Kolonyo gaadiid ah oo qarax Askari ku dhimatay lagu la eegtay gobolka Waziristan ee dalka Pakistan

  1. Asad says:

    Anaga esian manihin arimaha somalia Marwaliba noso gudbiya .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII