Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Howlgallo Aksar lagu eedeeynayo kufsi iyo dhac lagu soo qabtay oo laga sameeyay gobolka Sh/hoose

Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay howlgal lagu soo qab qabtay ku dhawaad 20-Askari ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen inta u dhaxeysa degamada Afgooye iyo Marka.

Afhayeenka maamulka gobolka Sh/hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen kooxo Askar ah oo lala xiriirinayo falal kala duwan oo ay ku jiraan kufsi iyo dhac loo geystay dad rayid ah.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadka la soo qabtay cadaalada la horgeyn doono islamarkaana la marsiin doono ciyaabta ay mudanyihiin sida uu sheegay.

horayay ayaa waxaa wada isku xirta Marka iyo Muqdisho waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya uga fuliyeen howlgallo lagu soo qab qabtay askar lala xiriirinayo in ay ku lugleeyihiin kufsi iyo burcadnimo kuwaasi oo aan wali la xukumin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII