Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Fowsiyo Yuusuf: Aad ayaan uga xunahay howlgalkii qasaaraha dhaliyay ee ay Ciidamada Faransiisku ka fuliyeen Buulo Mareer

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ahna Ra’iisul wasaare kuxigeen ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Ciidamada Faransiiska ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Wasiirada ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay wixii ka dhacay Buulo Mareer islamarkaana ay tacsi u direyso dhamaan Ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay gobolka Sh/hoose.

“Waxaa ku geeriyooday dad shacab Soomaaliyeed ah, Shabaab iyo ciidamo Faransiis ah waxaan tacsi u diryaa ehelada dadkii ku  geeriyooday weerarkaasi waxaan sidoo kale tacsi u diryaa dowladda Faransiiska oo askari kaga geeriyooday” sidaasi waxaa sheegtay Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya waxa ay xustay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay aad uga xunyihiin wixii ka dhacay Buulo Mareer waxana ay hoosta ka xariiqday in aysan u dulqaadan doonin islamarkaan aysan raali ka aheyn dadka shisheeye laheystanimo dalka loogu hayo.

Shalay ayay Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska waxa ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose howlgal fashilmay kaasi oo ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan Sarkaal muddo gacanta ugu jiray Al Shabaab.

10 Responses to Fowsiyo Yuusuf: Aad ayaan uga xunahay howlgalkii qasaaraha dhaliyay ee ay Ciidamada Faransiisku ka fuliyeen Buulo Mareer

  1. Ciroobe says:

    Alshabaab ma’aan jecli qaabka ay wax uwadeen laakiin Dagaalkii Kadhacay Buulo Mareer waxaan Jeclaan lahaa in Faransiiska uu jabo maxaa yeelay Dulmigiisa ayaa kaweyn kan ay alshabaab umadda ku hayaan.

  2. abdirashid ali says:

    fowsiyo waa naag aan ogayn wax badan oo siyaasadda ka mid ah waxayna isku haysataa in ay tahay reer yurub ama qaxooti ku dhex nool marka aadbaan uga xunnahay in ay xad gudubkii faransiiska ay ku sameeyeen waddan xor ah ay ku faracsantahay

  3. abdullahi says:

    faransiiska waa in talaabo sharci ah laga qaado sabab too ah waxey si sharci daro ah ey ku soo galeen wadankeena fowziyo adna kuma hadlin hadal waafaq san somalida

  4. Axmed' says:

    Sorry, sax ma’ahan in loo tacsiyeeyo dowladda france oo weerar qorshaysan ku soo qaaday soomaaliya ayadoon dowladda waxba ka ogeesiin. Muwaadiniinta soomaaliyeed dowladda ayaa mas’uul ka ah, hadday shabaabyihiin iyo hadday shacab yihiin iyo hadday burcad-badeed yihiin intaba, waana inay dowladdu masuuliyaddeeda qaadataa. Fadlan u dhaqma sidii qaran lugu yiqiin oo hanna bahdilina

  5. Waaxaan aad uga xumahay wasiirka arimaha dibadda ee koonfurt soomaliya aan aqoonin cidda ay wakiilka ka tahay,ma waxay wakiil ka tahay faransiska mise ksoomali.taasi waxay fadeexad ku tahay dowladda fededalka ksoomaaliya oo sheganeysay inay ka wakiil yihiin dadka deegankas ku abtirsada lakiin ay taasi beenowday.

  6. Ahmed says:

    Somalinimada mahan wax la iska shegto qofka somaliga ah waa in uu gartaa wadani nimada waa in uu garta waxa asiga hororka ku ah faransisku wey qaldan yihin maahan inay amar la,an iskasoo weeraran maxa yelay somaliya maanta waxay leedahay dowlad buuxda e dowladaha kamid ah dowlad waliba e somali dan kaleh waa in aylasoo xirirtaa dowlada wax aysan dowlada ogeynin mahan in lagu raaco mahan taasi wadani nimo waxan farin u dirayaa dowlada somaliya in ay tilaabo cad kaqaado cid allala cidii sharci daro kuso gasha somalia ama howlgal qaldan kafuliya somaliya dowlada waa in ay ogaataa dowlad nimadeeda bye

  7. Salima says:

    Nagtaan galada tacsida udirayso bn laybnahay ilahay galada ha dhameyo inti islam ahna ha ugargaro iyo mujahdnta xarakatu shabab wana gul in ay fashlmen allahu akbar takbir

  8. Asad says:

    Islamiyiinta way fideyn , hada afrika waxa kabilowday gacdoon diinta lagu xojinaya . wasiirata wax badan ayaad tacsi diri dontaa yaa is garay wali

  9. Nasru diin says:

    Habartaan muqalifadaa kawaran waxey kuhadleyso hadankadhac waxey rabtaa shaqo inlaga qabto waxbena ayaloodhibay haday dadtahay hatagto meshe aykasojedo wax alla wixii caloshi ushaqeyste ahaa ayaa kofurta losodira

  10. Rali kama nihin maxay so kordhinaysah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII