Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faransa oo ciidamadeeda heegan galisay cabsi ay ka qabto Shabaab

Madaxweynaha dowlada dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu halis xoogan ugu jiro weeraro kaga yimaada kooxaha argagaxisada ah.

Xili uu kahadlayay howlgalkii fashilmay ee gudaha Soomaaliya iyo howlgalka Mali ayaa madaxweynaha Faransiiska waxaa uu sheegay in amaanka dalkaas aad loo adkeyn doono.

“Waxaan ka warhaynaa in kooxaha argagaxisda ah ay isku dayaan weeraro gudaha dalkeena ah’ayuu sheegay Hollande Madaxweynaha Faransiiska.

Magaalada Paris iyo qeybo kale oo dalkaas katirsan ayaa waxaa la geeyay ciidamo badan si ay amaanka uxaqiijiyaan.

Ciidamada Faransiiska ayaa ku guul daraystay howlgal ay ka fuliyeen deegaanda Buullo-Mareer ee gobolka Sh/Hoose gudaha Soomaaliya kaas oo ay doonayeen in ay kusoo furtaan lahayste udhashay dalkaas oo Shabaab ay gacanta ku hayeen.

Waxaana weerarkaas kaga dhintay hal askari, waxaana nolosha looga hayaa askari kale sida ay Shabaab sheegeen.

Sidoo kale Maali ayaa qasaaro ay kasoo gaartay weerar ay ka gaysteen gudaha dalka Mali kaas oo ay mucaaradka dalkaas kula dagaalamayeen.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

4 Responses to Faransa oo ciidamadeeda heegan galisay cabsi ay ka qabto Shabaab

  1. Asad says:

    Hahahahahahahahaha. Walalayaal wa inaad ogatan rucbi in galada ay kudhacday . Ku bishareysta insha allah isbedel aya so iftimayo hadiba dad bulo marer joga loga cabsanayo paris

  2. mujahid says:

    masha allah wan ku faarax sanahay guldaarada franci waaaxaan allah kabarya in uu waqti walbo ey gulestaan alshawaab.

  3. C/naasir says:

    Faransiis waa xoolo awal ayuu xaasid ahaa haddan taatiga xuma ayuu lasoo galay soomaaliyo balaayo ku qaaday faransiis al shabaab haddaan ahay cakaa foorjo ayaan usiidaynlahadanbea asgariga

  4. Shawaab says:

    Galado wey jabtay weyna jebeysaa weyna jabi donta murtad iyo mid diinta ilahey diimay waxan diyar u nahay in aan ladagalano nasriga alle wuu dowyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII