Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dad lagu laayay gudaha Kenya iyo Kenya oo heegan ka gashay Shabaab

Laba qof ayaa ku dhintay weerar ay Rag hubaysayn ku qaadeen gaari Bus ah agagaarka deegaanka Bagale waddada wayn ee isku xirta Magaalada Nairobi iyo Gaarisa.

Dhibanayaasha ayaa waxaa ay saarnaayeen bus ku sii jeeday magaalada Mandhera ee  dalka Kenya kadib markii rag hubaysan ay ka soo baxeen gaari yar ay oo isku hor gudbay buska kadibana raasaas ooda uga qaadeen gaarigaasi.

Labada qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa ayaa isla goobta ku dhintay halka sedex kale ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka weyn  ee magaalada Gaarisa, waxaana lagu soo waramayaa in Ragii hubaysnaa ee gaariga rasaasayay ay goobta isaga cararayn iyadoo aan wax xatooyo ah u geysan rakaabka.

Booliska gobolka Waqooyi barri ee Kenya ayaa ku jira heegan aad u sareeya kadib markii ay heleen warbixino la xariira in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab-ka Soomaaliya ay ku dhuumalaysanayaan dalka Kenya  kuwaasi oo damacsan dilal iyo falal kale oo ka dhan ah ammaanka.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa horey uga dhacay falal weerero ah iyadoo weeradaas qaarkoodna dad badan lagu dilay.

Warqaad.com/Nairobi Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

2 Responses to Dad lagu laayay gudaha Kenya iyo Kenya oo heegan ka gashay Shabaab

  1. Kismaayo boy says:

    Dulqaad ayaa lagarabaa kinya etobiya jabuti burundi ugandha siraliyon waoyo waxay malin kasta laa’yaan shacabkena markasta iyo gor walaba iyo goobkasta ayay dedkena kulayan si aan kalasooc lahayn caruur ciroole iyo hablahena paliga ah tan kale soomaliyey wax bili aadan ah oo idan rabo majiro ee walala yaal iskutashada oo hakalatagina israca oo haysnicina kan waa reer hebel kan waa gurub hebel kan waa laandi fulan walalayaal waxaas waa qaybi oo xukun

  2. Asad says:

    Gaalada aduunka cabsi ayey kudhamesanayan akhiro na cadaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII