Lex Vander oo ah khabiirkii cows-ka Artifishalka ah ku goglay garoonka kubada cagta Stadium Banadir muddo lix todobaad ah oo uu joogay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu ahmiyad gaar ahaaneed siiyo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu yahay dal ay ka go’antahay horumarinta kubada cagta wax badana kaga duwan wadamadii uu horay u tagay.
Mr. Lext Vander oo dalkiisa dib ugu labatay xalay kaddib markii uu si guul ah kusoo dhameystiray dhigista cowska garoonka ayaa xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay baarka weyn ee Lido Sea Food shalay waxaa uu ka sheegay in maamlo aad u wanaagsan oo farxad leh uu ku qaatay dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in masuuliyiinta xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ay ka go’antahay in horay loo dhaqaajiyo kubada cagta dalkan oo kasoo kabsaneysa in ka badan 20 sanadood dagaalo socday oo dib u dhac dalka oo dhan ku keenay.
“Waxaan rabaa in aan halkan mahad celin uga diro ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo xil weyn iska saaray horumarka kubada cagta Soomaaliya, marka labaadna waxaan u mahad celinayaa madxadxa kubada cagta dalka Soomaaliya gaar ahaana xoghayaha gud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fiulinta xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo maalin kasta ila joogay tan iyo markii aan dalka imid, si weyn oo hufana iila shaqeeyay”ayuu munaasabada sagootinta ka sheegay Lex Vander.
“Waan la socda ain FIFA ay Soomaaliya markasta siineysay ahmiyad gaar ahaaneed laakin waxaan hadana ugu baaqayaa FIFA in ay sii laba jibaarto dadaalkeeda , sababtoo ah waxaan halkan kula kulmay madax ay ka go’an tahay horumarka kubada cagta—dhamaan dalalkii aan booqday madaxdoodu sidan ma ahayn”ayuu yiri Lex Vander.
Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay muddo iminka 6 todobaad laga joogo aysan marnaba ka tagin xoghayaha guud Cabdi Qani iyo Cali Cabdi Maxamed taasina ay tahay arrin isaga si weyn u farxad gelisay.
“Shaqadan oo kale wadamo fara badan oo Africa ku yaala ayaan kasoo qabtay, laakin waxaa ay idinku noqoneysaa la yaab hadaan idin iraahdo waligey ma arkin dad madax ah oo sidiina oo kale maalin kasta garoonka u taagnaa—-Soomaaliya runtii aad ayay iisoo jiidatay”ayuu Lex Vander ka sheegay munaasabadii sagootintiisa ee ka dhacday Lido Sea Food.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shirkada Green Fields in ay caawiso Soomaaliya intii karaankeeda ah maadaamabuu yiri Soomaalidu ay yihiin dad fir fircoon hadana ay kasoo kabsanayaan dagaalo muddo dheer socday oo wax kasta dib u dhac u keenay dalkan.
“Waxaa aad iisoo jiidatay markii aan arkay xoghayaha guud Cabdi Qani oo garoonka ka sameystay xafiis guur-guura oo uu shaqo maalmeedkiisa ku watay, taas waxaan u dareemay in uu xil weyn iska saaray amaankeyga iyo habsami u socodka shaqada”ayuu Mr Lex Vander ka yiri munaasabadii sagootintiisa ka hor intii isaga iyo madaxda xiriirku aanay u dhaqaaqin dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo uu ka raacay diyaarad ay leedahay Shirkada Turskish Airlines isagoo xalayna si nabad ah ku gaaray dalkiisa.
By Shafi’i Mohyaddin Abokar
Warqaad shaqo ayan idanku ogeyne awey shaqadini. War kahadla kismaanyo iyo dhibka u kuhayo ogaaden.awey marexan awey cowramalo awey gaaljecel war ogaaden iskasaro.warqaad fadlan shaqadena wa inan iskudirna dadka joogo kismaan qasatan ogaaden wa in lagasara jobada hose iyo somaliya
Thanks for his pioneer work that he has for our country.
asc. .ogadeen waa qabiil ka mid ah somaliya aniga kuu jawabaya kama aanan dhalan qabiilkaas. . Lkn runta ayaa waxay tahay nuucaada oo kale ayaa u baahan in laga sifeeyo somalia. . Wad xanun san tahay allaha ku caafiyo. . . Waxadna ku abtirsatay jaahilnimo aad ka dhaxashay familka aad ka soo jeedid . . Po