Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah Faahin: Weeraro lagu qaaday Suuqa Bakaaraha iyo ciidamada marayay Jidka Warshadaha

muqdisho3Wararka naga soo gaaraya Suuqa Baraakaha ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar gaystay qasaarooyin kala duwan iyadoona weerarkas ay fah faahin kasoo baxayso.

Labo Nin oo hubaysan ayaa weerar qarax ah ku qaaday ciidamo katirsan kuwa nabad sugida dowlada, iyadoona qaraxaas ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada dowlada.

Hal askari ayaa weerarkas ku dhintay halka ilaa sedex kalana dhaaawacyo soo gaareen sida uu sheegay qof kamid ah waardiyasha Hantida Suuqa Bakaaraha.

Howlgallo ay ciidamada sameeyeen ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada dowlada ay gacanta kusoo dhigeen labadii ruux ee weerarkaas ka danbaysay.

Dhanka kale ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa qarax lagula eegtay wadada warshadaha gaar ahaan halka loo yaqaan Xero Jarmal.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan la weeraray xili ay gaari nooca qooqanka ah la socdeen, waxaana la maqlayay rasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada la weeraray iyo kooxdii weerarka qaadat.

Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkas hase ahaatee waxaa uu falkas qeyb ka yahay weeraro had iyo jeer ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

2 Responses to Faah Faahin: Weeraro lagu qaaday Suuqa Bakaaraha iyo ciidamada marayay Jidka Warshadaha

  1. Cabaas yare says:

    Walal aniga waxan dhihi lahaay babo latuuray uma hakaneso dowlaada Ee hakudalina ismiidamin ba hakii waye ilmahan lasiray dowladda waxa lehay guul guul aamiiiiiiiin allah

  2. soomaliya ha noolaato says:

    cabaas yare sxb waxa tahay nin muwadin dhab ah wana kugu racsanahay fikradas inshallah mar dhow alshayadiin walaga cirib tirayaa somaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII