Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo dar-daaran uga soo tagay Baydhabo

Kadib Booqasho labo maalin qaadatay oo wasiirka Gaashaandhiga dowlada iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka ay ku joogeen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay dar daaran xoogan lasoo galeen ciidamada magaaladaas kusugan.

Taliyaha ciidamad dowlada Gen Diini ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay howl adeeg, laguna abaal marin doono sugida amaanka iyo in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan gobollada Bay iyo Bakool.

Wasiirka Gaashaandhiga dowlada C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo kahadlayay goob tababar loogu soo xirayay ciidamo katirsan dowlada ayaa isagana ka digay in ciidamada ay udhaqmaan sida maleeshiyaadka oo kale, isagoo carabka ku adkeeyay in waxa ay ku jiraan Jihaad ay dadkooda iyo dalkooda ku difaacayaan.

Saraakiishaas ayaa intii aysan Baydhabo kasoo anbabixin waxaa ay mushaarkooda siiyeen ciidamada dowlada iyagoo balan qaaday in xili kasta ay mushaarkaas bixin doonaan.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Masuuliyiinta

2 Responses to DHAGAYSO: Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo dar-daaran uga soo tagay Baydhabo

  1. wanso dhaweynaya c/hakim fiqi waxaa leyahay gulwan so hoyyi somali midey halayirado fiqi waa qof wadani ah oo kadhashey RRA

  2. We welcamed our defe nce minister mr abdi hakim fiqi who has came to us yesterday at noon,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII