Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubaysan ay ugu gaysteen duleedka degmada Bardaale mid kamid ah Saraakiisha ciyaaraha ee gobola Bay.
Rag Hubaysan ayaa lasoo sheegayaa in ay rasaas xoogan la dhaceen Gudoomiyihii Isbooritiga ee magaalada Bardaale Maxamed Soomow Imraan.
Dilkan ayaa ka dhacay deegaan udhaxeeya Bardaale iyo Yurkud, waxaana Marxuumka ladilay uu ku safrayay wadada, iyadoona kooxahaas jidka ugalay ay dileen marxuumka kadibna ay ka qaateen gaarigii uu watay.
Gudoomiyaha gobolka Bay C/Fitaax Geesey ayaa si faah faahsan kaga hadlay dilkaas ka dhacay duleedka Bardaale ee loo gaystay Marxuuumkan kamid ahaa Saraakiisha ciyaaraha ee magaaladaas Bardaale.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaas ay ka danbeeyeen Al-Shabaab-ka kusugan gobolkaas Bay ee koofur galbeed Soomaaliya.
Maxamed samow imraan asalkiisa wuxuu ahaan jirey nin ka shaqeysta isgaarsiinta loo yaqaano taarka ama halow halowga qofba sey utaqaano kadib isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka baay ayaa saameyn kuyeeshey wuxuuna taageero niyadeed umuujiyey mid ka mid ah kooxaha ku hardama siyaasada somaliya bilooyin kadib wuxuu iska dhaafey taageerida iyo lamacaamilka dhamaan kooxaha siyaasada wuxuu ku biirey dadka ka xamaasha bardaale asigoona cidna taagooro u aheyn