Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Jabuuti ee Beledweyne oo weeraro lagu qaaday iyo howlgallo soocnaya

Beledweyne2Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay weeraro bambo ah ku qaadeen xarumo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidamada Amisom.

Dad kusugan Beledweyne ayaa sheegay in labo bambo lagu tuuray ciidamada xili ay howlgallo ka wadeen bartamaha magaalada Beledweyne.

Inkastoo aan la ogayn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lagu qaaday ciidamada Jabuuti hadana dadka deegaanka ayaan kasoo xiganay in ay jiraan ciidamo waxyeelo dhaawac ah soo gaartay.

Markii ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la maqlay rasaas aan badnayn, waxaase soconaya howlgallo ay wadaan ciidamada Jabuuti oo kaashanaya kuwa dowlada Soomaaliya ee Beledweyne kusugan.

Waayadan ayaa amaanka magaalada Beledweyne waxaa uu ahaa mid aad uwanaagsan iyadoona ciidamada dowlada ee kusugan magaalada iyo kuwa Amisom amaanka si weyn u adkeeyeen.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII