Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Wiliam Heague Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Dhigiisa Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku aadan xiriirka labad dal, waxaana uu Mr. Heague sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo dhigiisa Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo ugu horeyn ka hadalay shir saxaafadeed ay labad mas’uul siwada jir ah u qabteen ayaa waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay taageerida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wiliam Heague ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay aad u daneynayso arrimaha Soomaaliya waxana uu ku cadeeyay safarkii uu ku tagay sanadkii hore dalka Soomaaliya.
Labada Mas’uul Wiliam Heague iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kulankooda waxaa ka soo baxay in Ingiriisku uu marti galiyo shir looga hadlayo Isbadalada Soomaaliya ee waqtigan kaasi oo dhici doono Bisha May ee sanadkan.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in dowlada Ingiriiska ay isla ogolaadeen in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si looga gudbo dhibaatooyin hada horyaala dowlada Cusub.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhufatay in Madaxweynaha socdaaladiisu bateen ee Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagi doono dalka Ingiriiska.
Guul gabadhena. Irirsamaale gulayso waliga cadowgada unolooow.
Wilam iyo fowzio aduunka ayey ben u shegayan iyo qurbo jogto somaliyed maxa yeley shalay waxa dagalamayey shab.iyo dawlada mantana wali waxa dagalamaya is la ayaga mar mar waxa ka dhaca xafadaha hrwa suqa xolaha crafat iyo melo ka mid ah xafadaha yaqshid habenki marka ay so galan xafadaha subaxi maxa lo werari la.yahay wa la yaqana mesha ay ku hoyda hubka ay watan wa madfic iyo bzuke daba jex hubkas xamar ayey yalan
Mida kale waxan lo amini karin magalo kasto o laga qabsaday kuma dagalamin hubkoda wali way haystan sarkal laga qbsadayna ma jirto hub farabdan way haystan hubki hogamiye koxedyada dhan ayaga wada haystan wali lagama qabsan marka sow lama dhihi karo wali filimka ma dhaman