Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kana warbixiyay safarkiisii Sudan

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kaddib socdaal uu ku tagay isaga iyo wafidi uu hogaaminayo dalka Sudan.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka Muqdisho waxaa uu la hadlay warfidiyeenka waxana uu sheegay in marka laga soo tago ka qeybgalka xuska 57-sano guuradii ka soo wareegatay xuriyada Sudan uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir.

Xasan Sheekh ayaa carabaabay in dowladda Sudan ay kawada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labad dhinac waxaana uu intaasi ku daray in dowladda Sudan ay u balan qaday Soomaaliya in ay taageerto.

Madaxweynaha Ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Sudan ay tababaro siin doonto Ciidamad dowladda Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah buuryi heshiis dhinacyo badan taabanaya oo ay labad dhinac kala saxiixdeen.

Sikasbta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashada uu ku tagay Sudan waxa ay aheyd tii 9-aad ee uu dalalka dibad ku tago tan iyo intii la doortay.

2 Responses to Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kana warbixiyay safarkiisii Sudan

  1. wiil belo says:

    Iska wareeg inta waqtiga kadhamaanayo ii baashaal who cares somalilees

  2. Mohamud says:

    Asc warqaad meshii wax laga akhrin lahaa ba wad qarisene

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII