Gudoomiyaha maamulka dowlada ee gobolka Sh/hoose C/Qadir Maxamed Siidii ayaa si faah faahsan uga hadlay dil kooxo hubaysan ay ugu gaysteen degmadaas ilaa sedex ruux kuwa kalana ay dhaawaceen.
Sidoo kale Gudoomiyaha gobolkaas ayaa Faah Faahiyay labo qarax oo lala eegtay ciidamada Burundi ee kusugan magaalada Marka ee Sh/Hoose.
C/Qadir Ziidii Gudoomiyaha dowlada ee Sh/Hoose ayaa dhanka kale ka hadlay duulaan qorshaysan oo ku wajahan deegaanada wali gacanta Shabaab ku jira ee gobolkaas.
Sidoo kale waxaa uu qiray in ay jiraan dhibaatooyin si maalin leh ah gudaha degmada Marka iyo qeybo kale oo Sh/.Hoose ah loogu gaysto gobolkaas.