Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AMISOM oo maanta fasiirin cusub ka sameysatay galbeedka Magaalada Baladweyne

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxa ay maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolkaasi waxa ka sameysteen fariisin cusub duleedka Magaaladaasi.

Sida ay sheegayaan warar kalaga helayo Magaalada Baladweyne Ciidamada Jabuuti ee halkaasi ku sugan ayaa saakay la sheegay in ay fariisin cusub ka sameysteen galbeedka Magaaladaasi.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka  Hiiraan ayaa sheegay in ujeedka ciidamada AMISOM ee Jabuuti loo dajiyay halkaasi ay tahay in la xaqiijiyo Ammaanka Magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay dhawaan in galbeedka Magaalada Baladweyne ay tahay meel amnidaro ka jirto islamarkaana lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Maalmihii danbe ayaa waxa Magaalada Baladweyne ka dhacayay falal Amnidaro ah oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo lagu waxyeeleynayo dadka ku nool Magaaladaasi.

One Response to AMISOM oo maanta fasiirin cusub ka sameysatay galbeedka Magaalada Baladweyne

  1. Rer hiiran waxa ugu baqaya wallaheen rer jibuti inee gacmo furan kuso dhaweyaan ayna. Naftoda ilalshaana ayna hablaha qur quruxdabadan lagu daro jibuti dalkodi 2 aye yimadeen marti kumahan dalka iyaka leh wa walalaheen. 1 oday aya nawada dhalay isku dhiig baynu nahay iyo isku farac dhaman inta ku abtirsata irisamaale guul aya u rajaynayaa. Alaha barakeyo rer iri oo kala dagan muqdisho hargaysa djibouti guul iyo midnimo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII