Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa ee Jubbaland ayaa baaq dheer u diraya dhinacyada dega Jubaland si ay isaga kaashan lahaayeen hormarinta iyo nabadeynta gobolka oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo garab weyn ka helaya ciidamada nabad sugida ee AMINSON.
Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Jubbaland oo fadhigiisa yahay magaalada Cape Town Maxamed Axmednuur Xaashi (Weyrax) oo saxaafada kula hadlay xafiskiisa ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay dilalka loo geysanayo nabadoonada dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Berimo geedo isla markana ay mudan yihiin in la dhowro.
Maxamed A Weyrax ayaa warka intaasi ku daray in xiligani nabadoonada ay yihiin kuwii dhex dhexaadin lahaa dhalinta ubaxa gobolka jubaland isla markaana xog badan ka haaya marxaladihii oo uu soo maray gobolka sidaasi oo ay tahay ay qalad tahay in si sahlan loo ugaarsado isagoo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in ay cirib tirayaan waxgaradka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu u digay dadka doonaya in ay iska horkeenaan qabaa’ilada daga dhamaantood degaanada Jubaland isla markana ay xiligani munaasab ahayn in Soomaaliya la kala qaad qaado qaab qabiil iyadoo xiligani laga gudbay dib u dhicii hore ee 20-tan kii sanno ee lasoo dhaafay na daashaday, “Waxaanu leenahay fahma oo indhahana fura isku dhanna ka noqda kooxaha danaha khaaska leh, sidoo kale waxaan baaq udirayaa maamulka magaalada kismaayo inay fadhiga ka kacaan oo ay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha tuugaysiga kulaynaya nabadoonada iyo caaqiliinta qabaa”ilada.”
Si kastaba ha ahaatee Gobolada Jubooyinka ayaa laga dareemayaa ififaalo nabadeed iyadoo ay halkaasi ka curanayaan tasiilaadka daruuriga ah oo dadka degaanka ay u baahan yihiin.
Xafiiska wararka Jaaliyada Jubaland ee South Africa.
Xafiiska Warqabadka Warqaad.com Ee K/Africa
Gudoome wayrax aad ayaad ugu mahad santahay talada wax ku oolaka ah ee aad siisay dadka walaalaha ah ee jubooyinka iyo Gedo daga iyo waliba sida aad uga danqatay salaadiinta iyo cuqaasha la laynayo
dadku hada waa bislaadeen oo colaad iyo nidaam la.aan waa kasoo daaleen hada waxay umuuqataa in ay si wanaagsan ay wax usocdaan maadaama sadexdaas gobal ay go.aansadeen in ay maamul sal balaaran dhistaan
waxaan mahad gaara udirayaa siyaasiyiinta iyo bulsha waynta Gobalka Gedo sida ay ugu diyaar garoobayaan oo ay garwadeenka oga noqonayaan maamul usamaynta jubooyinka iyo Gedo
sida muuqata waxaynu kuguulaysanay in aynu meesha kasaarno shakigii ay kikuuyadu ay dhex dhigtay dadka jubooyinka daga qaarkood iyo dawlada somaliyeed
keenya waxaa loo sheegay in ay ku ekaato amaanka iyo ladagaalanka alshayaadiin oo ay faraha kala baxdo siyaasadaha ay falkinayso oo ay lamid noqoto ugaanda iyo burundi iyo jabuuti maadama ay magaca AMISOM ku joogto dalkayaga wayna aqbashay sida lasheegayo
dadka gobaladaas ku nool ayaga oo heshiis ah oo gacmaha is haysta iyo dawladooda oo ku garabtaagan ayaa maamulka jubaland ladhisayaa guul somaliya dawladnimo iyo hurumar ayaan u rajaynayaa
War wayrax mawarkaas ayuu keenay xafiiskiisa kulahaa. Xafiis kumaanan arkine capetown uukuleeyahaye macooshada sigaarka iyo cooldrinkiga ayaa xafiis ah. War jubaland kumaqusayso ee cabudwaaq dheh asxan
Marexaan must vice ogaaden hadalkale majiro okay warqaad shaqada halkiina kawada fadlan
Wayrax hadaadan rabin in odayaasha lagaa laayo
Odaasha ku celi caabudwaaq adiguna warka juboyinka meel iska dhig nacalaa idinku taale
Ma hooyadaba juboyinka leh sideed jaliyad juboyin usheegan
Ilka yar walee waad kudhamaanaysaan uun hadaad wadaan riyadan