Sanadka 2012 Ayaa Ahaa Sanad taarikhi Ah kaasi oo isbadala waweyn ka Dhaceen wadanka soomaaliya Waxana l;aga Xusi kara Taarikhda 20 Sano kadon oo dalka Soomaliya lagu doortay Gudahiisa,Barlamaanku waasi oo La An saxiyey kadibna Doortay Madaxweynahii ugu horeyey Muqdisho lagu doorto 20 sano Ka Dib.
Waxana Sidoo kale dowlada Soomaaliya u suuro gashay inay gacabta Ku qabato goobo Muhima Oo kuyaalo koonfurta Wadanka soomaaliya,Ayna ka Mid tahay Magalooyinka Kismaayo,Marka,Afgooye,baledweyn,baydhaba iyo magaalooyinkale Oo Xiligani Ka Mida goobaha ugu Istaraatijisan wadanka Soomaaliya.
Inkasta Oo guulaha Soomaliya ku talabsatay Sanadka 2012 Ahayeen kuwo isdabayaala Hadana Waxay U hayd Sanadkii ugu farxada badna Shacabka Soomaaliyed oo dagaalada la dageen mudada ka Badan 20 sanadood.
hadaba aan ku bilabee,waxa taarikhda Markii ugu horaysey dowladaha calamka soomaaliya ka gadheen in Loo qabto Shir weyne loogu gogol xadhayo isbadalo ka Dhaca wadanka soomaaliya,iyadoona February 23, 2012 dowlada Britian Ay Marti galisey shirweynha Soomaalida Ayna Ka Soo Qeyb galeen in ka Badan 50 Dowladood Iyo ha’ayado calamiya.

Waxana Shirkaasi ka Qeyb galay Dhamaan madaxda matala Maamulada Iyo dowlada soomaaliya,waxana laga Soo saray Qodobo gun dhig u ahaa Inay Isbadalada Ka Dhacaan gudaha danka soomaaliya.
Halkani Hoose Akhriso Qodobada laga Soo saray.
In dalka Soomaaliya dadkiisu ay ku qancaaan hogaankooda, iyo in hogaanku uu noqdo mid ay Soomaalidu leeyihiin.
In beesha caalamku ay argti mideysan ka qaadato taageerada Soomaaliya.
In musuq maasuqa, argagixisada, Burcad-badeeda iyo dowlad la’aantu ay sal u yihiin dhibaatooyinka dalka ka jira sida macaluusha iyo qaxootiga faraha badan.
In beesha caalamku ay xoojin doonto taageerada ay u hayso Soomaaliya si mustaqbalka uu noqodo dal xoogan oo horumar ku talaabsada.
In la xoojiyo ciidamada nabad ilaainta ee AMISOM.
In wakhtiga dowladda KMG ahi uu ku eg yahay August 2012.
In horumarka la tiigsanayo la xoojiyo lana ciqaabo cid kasta oo caqabad ku noqota.
In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya is ay isula qeexaan mustaqbalkooda.
In laga hortago musuqmaasuqa baahasan lana abuuro guddi la dagaalama.
In xuquuqul Insaanka kor loo qaado.
In la taageero Garoowe-2 iyo shirarkii ka horeeyey.
In la xoojiyo laamaha ammaanka iyo kuwa caddaalada ee Soomaaliya.
waxa sanad 2012 Dowlada Turkiga Dhankeeda Ku Dhawaq day Inay Hogaan u Qabanayso Inay isoo Hor fadhisido Madaxda Iyo Dhamaan Qeybaha kala Duwan ee Soomaaliya,Iyadona June 2, 2012 Marti Galisey Shir Weyne Mudo Laba Malin Soconayey.
Dowlada Turkiga Oo iyada Ah dowladii ugu Horaysey Oo usoo Gurmatey Abarii isla Sanadkii laga soo gudbey ku Dhufatay Koonfurta Dalka soomaaliya,isla Markaasina Kumanan malyan Ku Bixisay Inay gar gaar ugu yaboohdo Shacabka Soomalaiyeed ee Ku dhibataysna Abaarti samaysay.
Waxa Shirkaasi ka Qeyb galay Dhamana Qeybaha kala duwan Ee Soomaalida matalaya Iyadoona Qodobo badan laga Soo saray.
Hoos ka Akhriso Qodobada
-In La Tixgelinayo Madaxbanaanida,Sharafta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
-In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
-In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.
-Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.
-In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.
-In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord,Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.
-In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.
-In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.
-In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka.
-In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.
-Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.
-In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi Karin waqtigooda.
-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.
-In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
-Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
-Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.
-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
-Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.
-In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.
-In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.
-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.
-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.
-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.
-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.
-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo
-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
Waxayna Noqdeen Kuwo Inta Badan Wixii ka soo baxay Shirkaasi Mudo yar kadib lagu talab sado,Waxana Muqdisho Markii ugu horaysey Shir uga Furmay Oday Dhaqameedka Soomaalida oo iyaga Bundhig U Ahaa xalinta Khilafka Soomaalida kala gala.
August 1, 2012 Ayaa Markii Ugu Horaysey waxa Ergada Ansaxinta Tastuurka Ay Qalinka Ku duugeen dastuurka Cusub Ee wadanka Soomaaliya Oo markii ugu Horaysey Noqda dastuur Matalaya Shacabka Soomaaliyeed madama Ay An saxiyeen Odayaal Dhaqameedka Matalaya Dhamana soomaaliweyn.
Waxayna Cod Aqlabiyad ah ku An saxiyeen Dastuurka dalka Soomaaliya,Waxana Shirka Ansaxinta Joogey 645 xubnood, 621 ka mid ah ayaa ku codeeyay, halka 13 ergo ay ku codeeyeen ay diideen, Waxaana sidoo kale ka aamusay 11 xubnood.
Aug 28 2012 Waxa Golaha barlamaanka ee lasoo Xulay Iska Soo Doorteen Afhayeenka Barlamaanka Oo Mudada Soo socda Hogaaminaya waxana Loo Doortay Gudoomiyaha barlaamanka Soomaaliya Pro.maxamed Sheekh Cismaan jawaari.
10 September 2012 Ayaa taarikhda markii ugu Horaysey magaalada Muqdisho Lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya,waxana Loo Doortay Inuu 4 sano Soo Socda Hogaamiyo Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya xasan Sheekh Maxamud,waxayna Noqotay talabadii Ugu Horaysey oo Ah Mid Taarikhi Ah.
iyadoona si Aqlabiyada loogu doortay Xilkaasi,waxana Sitaarikhi Ah Xilka Madaxweynaha goobtaasi Ugu wareejiyey Masuuliyada Dalka Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh axmed.
Oct 6 ,2012 Waxa Uu Madaxweynaha Soomaliya Ku Dhawaqay Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi farax shirdoon (saacid) Oo Noqday ra’iisal wasarahii Ugu Horeyey Ee dowlad KMG Ahayn Soomaaliya ka Noqda ra’iisal wasare tan iyo Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya.
November 04, 2012 waxa uu ra”isal wasaraha soomaaliya Ku Dhawaqay Golahiisa wasiirada iyadoona uu Ku Dhawaqay Xubnaha wasiirada oo Ah kuwa kooban tan Iyo Dowladii shexe Ee Soomaaliya.
Dec 13 2012 Ayaa Waxa uu Ra’isal wasaraha Sidoo kale Ku Dhawaqay wasiir Ku Xigeenada Xukumada Soomaaliya Iyo wasiiru Dowlayasha.
.…Dhamaad…
W/Q.Mohamed Abdulahi Khalif (Shine)
saxafi12@gmail.com
Warqaat run sheg saliibiyintu gaalada ah imisa dhaqaale ah ayay kugu siyan barabagandada aad mujaahidin ku hayso inosheg
Waxaa lagu heshiiyey in somalidu isku qab qabsato qabiil iyo koxo kooxo urur diimeyd iyo in la isku u gaarto kadibna somalidu ukala caraaan dalalka dariska ah mar 2 aad iyo mar 3 aad natiijola aanna somalia ahaato waligeed
shariif ilaahey ha dhowro hadda waxey noo keeneen nin iska qoslaayo iyo midkale habeenkii dhan qaad ku dhafraayo
Waaaa dowlad aad uliidata tayo xumo kudarsatay allow Naga bixi
alhamdu lillah ilah aya mahad leh allahi somalia kabixiyay ku melgaar tani waxey qeyb ka ahan karta cawinta besha calambka iyo wadama badan o islam ah illah hano xureyo wadankena insha.Allah amin allow somali is raci
It was good job, we realy encourage to put more effort so that our gain it’s power&authority back.thks
Waxa mesha ku shoiray wa hawoye dowlad uu hogaminayo shariif 2 galmudug wa hawiye 3 ahlusunna wa hawiye 4 digil iyo mirifle wa hawiye ladaaq beshi darood oo wenet ma puntland kaliya u matashay hawiyahana 4. Shati bay shirka kuso galeen wale mar dhow waxa ka baqaya mahgaca darood in saxda siyasada lagawayo bal ege meshaaan waxkasta iyaka islarabaan tasu socon mayso