Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Abwaan Abdi Aziiz Barrow Oo Tiriyay Maanso Xiisa Gaar Ah Xambaarsan Oo Loogu Magac Daray DEEQO

maansoMaansadaan Waxaa La Yiraahdaa DEEQO waxaana Tiriyay Xiligii Ol olaha Doorashada Madaxtinimada Dalka Socdeen, Muqdishana Ka soo Muuqanayeen Bidhaamo Muujinaya Nabad, Iyo Xasilooni, Waxaan Aaminsanaa In Mar uu Soomaalida Tashan doonto, Kana Hoos Kaci doonto Gumeystaha Maskax Iyo Adin Kumaamulo Dalkeena Bilicda Qurxoon Laakiinse Dadkiisu Hurdaan, Waxaan Sidoo kale Is tusaaleeyay In Laga Baxayo Qaxooti, Qax, Qarib Iyo Qoor gooyadan Nadaashatay, Qabyaaladdana La Aasi Doono, Hadafkuna Noqday Qaran Yagleel, si kastaba Wali Rajadaas Igama suulin Ooo Qalbiga Waxaan Ku hayaa In Mar Uun Soomaaliya Ku Nagaan doonto , Nabad, shacabkuna Ku Baraarsan doonaan Barwaaqo, Si kastababa Waa Tan Maansadii DEEQA gudoon Wacan:-

Deeqaay Wanaageey
Daruuftiyo Xumaatida
Diihaalka reebtaay

Colaad Loo Dagaagiyo
Diif Iyo Xanuuniyo
Dacar Cuduro Raagiyo
Damaq Uur Kutaalana
Dawadeeda Keentaay.

Dambarkeeda Caanaha
Giddi Tii Na Deeqdaay

Damanah Mid diidaay
Nabaddana U duruqdaar
Doxatada Mid Necebeey
Bulsho Daadaheeysaay
Doog Iyo Ugbaadeey
Dayax Nuurka Qeybshaay

Daacuun Is fiilito
Duray iyo Maleeriyo
Xumad Daahishaa iyo
Cudurada Na daashaday
middii Deyr Ku Oodaay
Diktoorada Dabiibiyo
Daryeel guud Mid fidisaay

dugsiyada Wax barashada
middii Daah ka feydaay
waraabaha Dilaagiyo
dugaagiyo Shabeelkana
middii aan Udeynaay
dayacnoon Saluugnaay

Hooyadii Dalkeenaay
day’day Iyo Mid liitiyo
Dantii Moog Mid rabinaay

Calan Doora sidataay
Halyaay Doora doontaay
Qaxootiga Dugsiisaay
Xaqeedana Dulsaartaay
Damal Xumaha Seyriyo
Daruur dhiigga Meyrtaay
Dambiilaha Mid liidaay
Qabyaaladda La Dirirtaay
Damiirkeena Taalaay.

Adigaan Ku Doonee
Dalka Noogu soo Noqo
Dadkaan Liiti Garab qabo
Dawankaan Maqlaayoo
Deeqa Nagama Dheeride
Waligaa Ha Didinoo
Haku laaban Duurkaas

Waxdhan baan Daciifoon
Dunidaan U liitee
Daan duus ahaayoon
Tabar Darri La jiifee
Dariskeey Hor marayoo
dhiigeyga Da’ayoon
duhur Iyo Habeenkii
Daa’inow Ku Haayoon
Dulaal Noo daraa iyo
Dad Qal Uu Nacunayoon
Dariiqyada Ku Ooynee.

Wax dhanbeey Dabley naxin
Hal doorkeena Toogteen
Dooxeen Wax garadkii

imisaa Dayowdoo
Amma sii Dagaagtoo
Doomo ay lashiideen?

Imisaa Dulowdoo
diinteeni Diidoo
bidhaantood dib loo arag?

Aaway Diracyadeenii
Deeqo leylin jiray Bari?

Duulkii Fiyoobaa
duufsi Muu jiraa wali?
Duqeeydii Maxaa helay?
Dayac Maa danteena ah?
Dibris Iyo Colaadana
Darajo meey Horseedaa?

Dabkaam Nagu baxaayana
Yaa Damin Karaayoo
Doorbidaayo Qaranimo?

Dalka In uu macaanyahay
Dadkiisuna U Wacanyahay
Daah Nagama Saarnee
Aan Qabilkan Duugnoo
Dibjiradan Na daashaday
waxa ay La Doodini
ka Duruqnoo , ka diidnaa
Dooranaa Midnimo wacan

diktoor Iyo Aqoonyahan
Wadaad Diinta Garanoo
dantiisana Is raaciyo
Qaran Daahiraa Yahay
waa In Loo Dadaalaa
loo Doorto Madaxoo
loo Duubto Nabadana

Boogaha Dikaamaa
Deeqo Laga Daweeyaa
Doogana La daajaa
Gaaxdeey La Darartana
Duul Maalo Loo Helo………..dhammaad

by Cabdicasiis Axmed Barrow

8 Responses to Abwaan Abdi Aziiz Barrow Oo Tiriyay Maanso Xiisa Gaar Ah Xambaarsan Oo Loogu Magac Daray DEEQO

  1. mohamed halgan says:

    gabay aad u hagaagsan weeye mansha allah nice one

  2. Carabrare says:

    K.k.k.k. Manta aya wobsaidka ahlu tawxidka gabay sodaye wamaster miya

  3. Kun-Ciil says:

    Waa Hees fiican, Ducana ubadane ilaahay hakaa aqbalo, Aamiin

  4. hanad says:

    oo mahees ba mase wawax kale wan aqoon la ahaye wamaxa meybii ale bari wey maho

  5. clhi Jego says:

    sxbkeey baroow walahi gabigaaan waad la fiirsatay hadii la fiirsho xaalka somalia Sxb jazakalahu kheyran

  6. Walalken barrow waa abwan dhab ah ee soo saar gabayada wl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII