Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomali waxyaabaha qarxa ka dajisay dalka Germany oo gacanta lagu dhigay “Faah Faahin”

Labo nin oo Somali ah ayaa lagu xiray dalka Jarmalka kadib markii looga shakiyay in ay ka dambeeyeen walxa qarxa oo laga helay Xarunta Tareenada Raaco oo ku taallo Magaalada Bonn.

Sida uu qoray Long War Journal,Ciidamada Booliiska Magaalada Bonn ee Dalka Germalka ayaa xiray laba Qof oo soomaali ah kadib markii looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen boorso lagu soo qariyay Walxo qarxa oo la dhigay xarunta tareenada Magaaladaasi Bonn.

Labadaan qof oo ah Rag Soomaali ah ayaa midka hore waxaa la qabtay Maanta abaarihii 1:30 duhurnimo ama pm isagoo ku jira Internet Cafe ku yaalla isla magaalada Bonn, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Omar D, midka labaadna waxaa la qabtay gabal dhicii maanta xili uu  ku sugnaa agagaarka Wabiga Rhine ee Magaaladaasi oo isna lagu sheegay magaciisa Cabdirisaaq B.

Labadan qof ee lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen Boorsada walxaxa qarxa lagu soo qariyay ee la dhigay xarunta tareenada Bonn ayaa la sheegay in si weyn loogu yaqaano in ay yihiin Islaamiyiin xaqjir ah sida warka lagu sheegay.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Boorsada laga dhex helay Waxyaabo buda ah oo gaas lagu dhex qasay walxa kale oo macdan ahna ay ku dhex jireen, waxaa kaloo la socday saacad kuwa waqtiga lagu buuxiya ah iyo batariyayaal, waxaana hada la baarayaa in walxaxaasi la isku geeyay ay sameyn karaan qarax iyo in kale.

Boorsada ayaa waxaa laga helay xarunta tareenada duhurnimadii maalintii isniinta oo aheyd  maalin ka hor xiliga la qabtay labada nin waxaana maalinkaasi la joojiyay shaqadii tareenada gaar ahaan inta laga qaadayay boorsada oo furideeda loo adeegsaday repot ama Compuer sida qofka camal u shaqeynaya

Xirida la xiray xaruntaasi tareenada ayaa dhabar jab ku noqday isu socodka dad weynaha iyadoo tareeno badan oo kalena la joojiyay gaar ahaan kuwii wadadooda ay aheyd xarunta la xiray, waxaana dib loo furay goor dambe oo isla isniintii ah, inkastoo isu socodka tareenada ay caadi ku soo laabteen maanta.

Magacyada lagu sheegay labada nin ee Soomalaida ah ee Omar D iyo Cabdirisaaq B gaar ahan xarfaha la raaciyayay ee D iyo B ayaa ah magacyo lagu yaqaano kooxo Islaamiyiin Mitid ah oo ka jira dalka Netherlands kuwaas oo qaarkood hada  ku jira xabsiyada dalka Netherlands.

Bishii September ee sanadkii 2008 ayaa waxaa labadoodaba lagu xiray Garoonka diyaaradaha Cologne ee Magaalada Bonn iyagoo raacayay diyaarad ku sii jeeday Magaalada Amsterdam ee Dalka Netherlands , waxaana cadeyn ahaan looga helay waqtigaasi waraqad uu Omar D u qoray gabar uu jeclaa isagoo si kama dambeyn ah u macsalaamaynayay isla markaasna u sheegay in labadoodaba ay damacsanaayeen in ay ku biiraan jihaadka hubaysan hase ahaatee waa la iska daayay kadib markii ay xirnaayeen waqti kooban.

Qabashadooda ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii warar laga helay dad goob joogayaan ahaa markii Boorsada laga soo buuxiyay qaraxa laga helay Xarunta tareenada oo sheegay in labadooda ay ku arkeen xaruntaasi tareenada  waxyar ka hor xiliga Boorsada laga helay halkaasi.

Warqaad.com/Muqdisho Office

One Response to Soomali waxyaabaha qarxa ka dajisay dalka Germany oo gacanta lagu dhigay “Faah Faahin”

  1. Gaashan says:

    Warqaad fadlan war aan dhameystirnayn hanoosoo qorina warkan waxaad ciwan ugadhigteen somali waxyaabaha qaraxa kadajisay jarmalka marka kadajisay waxyaabaha qarxa iyo waaa loogashakiyey waa labo kaladuwan marka warqaad fadlan waxa aad qoraysan ufiirsada somali awal bay nafteeda uyaabanyde dambi dusha ha kasaarina waa hadaad somalitihin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII