Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shaqaalo howlgab ah oo Abaalmarin lagu gudoonsiiyay Soomaaliland

Maamulka Somaliland ayaa lacago gu doonsiiyay shaqaalo howlgab ah kaddib xaflad ka dhacday Magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Lacagaha lagu doonsiiyay shaqaalaha howlgabka ah ayaa waxa Somaliland ku taageeray hay’addo shisheeye oo ka mid ah kuwa taageera waxbarashada.

Munaasabada lacagtaasi lagu bixinayay ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, wefti ka socday Midowga Yurub, wakiilo ka socda hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwo Qaramada Midoobay iyo martisharaf kale, waxaana lagu qabtay xarunta waxbarashada magaalada Hargeysa.

Munaasabada oo u jeedkeedu ahaa lacag gudoonsiin ayaa waxaa halkaasi dhaqaalo lagu siiyay 6-macalin oo ka mid ah shaqaalaha dawladda ee hawlgabka noday sida munaasabada laga cadeeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garaad (Bare) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, ayaa waxa uu dhawaajiyay in macalimiintan midkiiba uu nus-qarni ku dhawaad shaqadaas ku soo jiray, islamarkaana ay ka qaateen kobcinta waxbarashada bulshadooda  dowr lama ilaawaana.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Samsam Cabdi Aaden oo iyana hadal kooban ka jeedisay halkaas, waxay sheegtay in lixdaas macalin midkiiba la siiyay $10,000 (toban kun oo doolar), waxayna sheegtay in lacagtaas uu ku deeqay Midowga Yurub.

Sidoo kale, waxa macalintaas lagu sharfay shahaado-sharafyo ay ku mutaysteen shaqooyinka dhinaca waxbarashada ee ay soo qabteen.

Talaaban ayaa loo arkaa in ay dhiira galin karto shaaqaalaha howlgabka ah ee ku dhaqan dhulka Maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII