Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha oo kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti “war-saxaafadeed+sawirro”

(Mogadishu, Somalia,December,13, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

123

2 Responses to Madaxweynaha oo kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti “war-saxaafadeed+sawirro”

  1. Asc qadis iyo jiidis wa isla mid waxba kuma sokordhisan dinka iyo gurgurte wadan kan somaliya idinka ayaba islalumay maha adiga sidad isku amanto wa sida dadku kuu arkan

  2. Khadar qaran warkad kuhadleyso kafirso watch out&take care pliz.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII