Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Kenya oo difaacay howlgalka Islii iyo galitaankoodii Soomaaliya ‘Warbixin”

kibakiWaxaa guud ahaan shalay  dalka Kenya looga dabaal dagay maalinta ay Kenya  xoriyadda ka qaatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 1963-dii.

Guud ahaanba dalka Kenya ayaa waxaa si weyn loo xaqiijiyay amaanka iyadoo ciidamo badan la dhoobay magaalooyinka waa weyn ee gudaha Kenya

Dadka Kenyanka ah ayaa si weyn usugayay Khudbadii ugu danbaysay ee Madaxweynaha Kenya uu ka jeedin lahaa dalka isagoo madaxweyne ah maadaama uu xilkiisa dhamaanayo sanadkan.

Waxaa uu si xooggan kaga hadlay arimaha amaanka gudaha Kenya, isagoo sheegay in Kenya ay ka go;an tahay xaqiijinta amaankeeda iyo ka hortagaya kuwa gaysanaya falalka kala duwan ee amaanka kadhanka ah

Madaxweyne kibaaki ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee nabad sugida ay ku amaanan yihiin ka hortaga kuwa gaysanaya falalka amaan xumada ah.

“waxa hada socda waa howlgalkii lagu nadiifin lahaa kuwa canaasiirta ah ee gaysanaya falalka amaan xumada ah, waana naga go;an tahay taas”ayuu sheegay Madaxwyenaha Kenya

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ku dooday in sababtii ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya ay ahayd suguda amaanka dalkeeda.

“Sababtii aan ciidamada ugu dirnay Soomaaliya waxaa ay ahayd in la ilaaliyo sumacada iyo amaanka Kenya kadib markii canaasiir argagaxiso ah ay isku dayeen in ay dhibaatayaan amaank Kenya”ayuu sheegay Kibaki.

Kenya ayaa waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah dadka sharcida darada ku jooga gar ahan Soomaalida kusugan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Warqaad.com/Nairobi Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

6 Responses to Madaxweynaha Kenya oo difaacay howlgalka Islii iyo galitaankoodii Soomaaliya ‘Warbixin”

  1. Muxyidiin Cadde says:

    Wargaal wallahi inaad gumaysi kalkaal tihiin shaki ayaa iiga jirey, lkn hada ayay ii cadaatay!. Waryaada waxa kenya iyo somalia lagu baabi’inaayo waa dadkiina. Wax ma garadkaan gafuurka wayn ayaana umadax ah, idinkuna hadalkiisii ayaad suuq uyeesheen!!, meeshii aad walaalihiina somaliyeed niyada udhisi lahaydeen ayaad niyada ka dileysaan!!. Wrqaad waad na khidlaanteen, hadaan nahay somali muslimiin ah!!!

  2. waa yaab amaanka kenya iyo dhulka soomaaliyeed maxaa iska quseeya adoonki kudhala was adoo intan kaliita ayaad ciidamadaada kala baxeysaa dhulka soomaaliyeed dadka daanyeerada ueg baa sidan dad soomaaliyeed ula hadlaya balaaya kula foolxun badnaatay daanyeer duqoobay lee uuba uegyahay gaalkii kudhala was adoo saan uyaal inaad maanta dhul somaliyeed haweesato ama aad qabsato waa waxaan anaga isku keenay hadaa nahay somali lakin maalinteena ayaan sugeynaa oo aan nairobi ciidan somaliyeed qabsadaan by sanka dhuudhiga daanyeeradii lagumeesan jiray waligoodba

  3. Moha weli says:

    Kenya ha isdifacdo xaq ayey uledahy

  4. Moha waxaa tahey doqon xayawan ah oo damiir laheen somaalina matihid wacal baatahey

  5. runsheeege says:

    wax iga galey malahan halawaso soomalida kenya kunol dhamantood wadonkooda ayeeey soogubeen wadan dad leeyahay ayeeey rabaaan ineeey gubaan kibaki sooceyri somalida kenya kudhaqan doofarada wadan malahane wadankoda ayeeey gubeyneee

  6. Akra says:

    K.k.k.k.k moha Waad uhilineesa kibaki lkn muu kuyi.qanaa adi inaa jirtid iyo inkale wlhi kenyatiga anaga.lee il.bixinay hadana wey nagu jazareen May Allah bless somali’s.people

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII