Shir looga hadlayey arrimaha ammaan dari ee kusoo kordhay Eastleigh ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee Kenya .
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid ganacsatada deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, si ay ugga tashadaan dhibaatooyinka haatan soo wajahay.
Uggu horeyn waxaa ka hadlay Sheekh Shakuul oo kamid ah guddiga loo xilsaarey iney sii wadaan hawlihii xildhibaanka degmada Kamakunji.
Isagoo ku hadlaya afka guddiga Kamakunji wuxuu cambaareeyey qaraxii lagu dilay 6-dii qof, laguna dhaawacey jimcihii lasoo dhaafay xildhibaan Yuusuf Xasan.
Guddiga ayaa dowladda kadalbadey in lasoo qabto dadkii ka danbeeyey dhammaan qaraxyadii ka dhacey Kamakunji.
Xuseen Maxamed Aar, oo ah guddoomiye kuxigeenka guddiga ganacsatda Eastleigh ayaa ku dhiiri galiyey Soomaalidu inaaney baqin, waxyaabihii dhacey mudadii lasoo dhaafeyna ay u dulqaataan.
Kagadaal markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya October 2011-kii qaraxyo ayaa kusoo batey Gobolka Waqooyi Bari ee dalkan Kenya, halka dhanka kale weeraro bambaanyo oo kala duwan ay ka dhaceen bilihii uggu danbeeyey xaafadda Eastleigh.
Soomaalida kudhaqan xaafadda Eastleigh ayaa waxaa lasoo daristay cabdi weyn, maadaama markii ay wax dhacaanba ay booliisku soo beegsadaan xaafadda, si aan kala sooc laheyna ay dadka u raafaan.
Qaraxyadan is xigxigay gaar ahaan xaafadda Eastleigh ma jirto ilaa iyo haatan cid loosoo qabtay.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Aga Khan ee magalada Nairobi.
Yuusuf ayaa mar kale u sharaxan xildhibaannimada deegaanka Kamakunji, isagoo beryihii uggu danbeeyey wadey olole doorasho oo aad u xoog badan, wuxuuna katirsan yahay xisbiga TNA, oo uu horkacayo Uhuru Kenyatta.
Yuusuf Xasan, waa xildhibaankii uggu horeeyey oo Soomaali ah ee laga soo doorto degmo katirsan Nairobi, oo ah caasimadda dalkan Kenya.
Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: - saidanteno@hotmail.com
Mobile Phone: – +254 – 711 – 919 – 302
asc ra yigeyga hadaan ka dhiibto qaraxyada islii ka dhaco waxan leeyahay siyaasat iney ka dambeyso waxaana ladoo naya hantita soo maliyee in labi li liqeyto soomaliyey tashta ama hatashanina somaaliyey ganacsigiina u wareeiya magaalada aatky dha lateen ee muqdisho asc
Asc som alidu haka tagaan kenya hadii kale halagu gumesto isli kuwa sanka wayn kataga lama dugsado jahil gaal ah o kaxogbadan wan tag meel an kuwarno
Asc