Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhaga Badan: Waan in la isku furaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Boosaaso

Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in ay sii wadi doonaan dulaanka ay Al Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga harsanyihiin Soomaaliya.

Janaraan C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa wacad ku maray in Al Shabaab ay ka saari doonaan dhamaan dalka Soomaaliya.

Dhaga Badan ayaa tilmaamay in la isku furi doono laga bilaabo Muqdisho ilaa iyo boosaaso iyadoo aan laga baqanayn Al Shabaab iyo kooxo la mid ah sida uu hadalka u dhigay waxaana uu carabka ku adkeeyay in Ciidamada xooga dalka looga baahan yahay in ay siiwadaan guulaha ay gaarayaan.

“Waxaan u sheegayaa Kooxaha Jid iyo Jahadiidka ah in duulaakii aan ku heynay uu san dhamaan, waa la xureynayaa goobaha kale ee aad xooga ku heystaan la idinka harimaayo, waana in la isku furaa Muqdisho ilaa iyo Boosaaso.” Sidaasi waxaa sheegay Janaraan C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan).

Dhanka kale Abaanduule Dhaga Badan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay gaarayaan Ciidamad xooga dalka Soomaaliyeed oo taageero milatari ka helaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

 

7 Responses to Dhaga Badan: Waan in la isku furaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Boosaaso

  1. Suldaan says:

    Khkhkhkhkhkh!!!
    Wallaahi waa yaab!…. Doqonkaan murtadka ah, ee diintiisa dadkiisa iyo dalkiisaba ku iibsaday shilimaad yar, bal inta muslimka ahey ila qosla-khkhkhkhkh-.
    Warya murtad dadka aad leedahay: “waan ka xoreyneyna wadanka” waxay kula joogaan melaha aad ku dhuumaneysid. Yay yihiin nimanka xalay qarxiyex hotel shabelle ee b.sta ay ku sugneyd? Anigaa ku tuuray wallah thuma wallahi. Boosaaso inaad gaarto iska daaye car adoo istaaf wata soo bax. Hadaadan hawada gelin ragba ma ahi murtad yahaw. Jahannama Allaha kugu fogeeyo.

  2. Duuliye says:

    Dhagabadan wa rag rag dhalay wlh.Wa in sida uga dhaqsiyaha badan loga hureya koxda nabad didka ah umada dhigoda baneystay melaha yar ay kaga suganyihin gobalada dalka.

  3. cabdulle says:

    Suldaan qosol gariir miyaa waxa kaa dhacaayo murtid dheh ama qawaarij dheh waa u dhamaatay waqtigaad caruurta soaaliyeed ka caqli badan jirteen nimankaan jid jiha diidka oo laga soo diray tooraboora nacas adigoo kale ah ayeey rabaan ineey caqliga ka xadaan

  4. Dhaga badan ha nolaado guul guul

  5. yahya says:

    waxa isdila wa somali iyo dad ajanib ah o ay kala wataan ayaku in ay he shiyan aya u fican wax din ku dagalama ma jiran ninki aan shabab ahay wa gal wax shaqayhana maha ee adinku hadi adan dhib wada yal ahaynin dadkina laheshiya sas ayay ila tahay

  6. Abu Qeybar says:

    Cabdulle iyo duulliye waxa tihin labo murtad oo alle diin tiisa kafurtay aloow yaa ogado labadaas waxa waye ku jecel kufriga iyo gaala jeceel iyo honguri iyo faqsi iyo gumeysi jecel nacalad haku dhacdo kitagero murtad dhaga badan siba kuwa dhahayo hagulesto dhaga badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII