War hada si deg deg ah inooga soo gaaraya xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Kenya ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasanaa.
Haweenay kamid ah dadka deegaanka xaafada Islii ayaa ciidamada kusoo wargelisay in waxyaabaha qarxa lagu aasay meel aan ka dheereyn gurigeeda.
Ciidamada ayaa gaaray goobta ay walxahaas qarxa ku jireen kadibna ay qarxiyeen ,mana jiran wax dhibaato ah oo qaraxaas ka dhashay.
Howlgallo balaaran ayay ciidamada ka wadaan halka waxyaabahaas qarxa laga helay ee xaafada Islii dhanka Juja Road, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo guryaha galaya.
Xaafada Islii ayaa waxaa wali ka soconaya howlgallo balaaran oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayaan dadka sida sharci darada ah Kenya ku jooga.
Warqaad.com/Nairobi Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Nagta shegtey hadi ey argeysey in dhulka wax la galinayey maxey policeka u so wargalin weysey aniga shekadan ma fahmin wa mid lagu banesanayo dadka muslimta ah iyo xolahoda kirismiska wixi lagu adi laha iyo sanadka cusub ya laga diyarinaya shacabka musliminta ah
Naagta wayba shegtee sheegitan malaba war wuxu war xuma
Am very sorry in laqarxiyo an raway naagtas xaa kaquseyo eyada kenyatiga