Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Arday Twitter-ka ku faafiyey taariikhda duqeymaha Drones-ka

begley-3Arday 25 jir ah oo jaamacad ka dhigta dalka Maraykanka ayaa dhawaan abuurey ciwaan Twitter-ka ah oo lagu magacaabo @dronestream halkaasi oo uu ku faafinayo guud ahaan taariikhda duqeymaha dayuuradaha aanan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ee Drones-Ka loo yaqaano.

Wiilkani oo lagu magacaabo Josh Begley ayaa waxa uu bogiisa markiiba lagu faafin karo 140 xaraf, ayaa soo qoraya taariikhda uu weerarka dhacay, meesha uu ka dhacay, iyo waliba xididka (Link) sheekada ee warbaahintu soo daabacday, isagoo u kala horeeysiinaya sida ay u kala horeeyeen.

Illaa iyo 399 iyo 495 weerar oo dayuuradahani lagu geystey ayuu Maraykanka ku qaaday dalalka Yemen, Soomaaliya, Afghanistaan iyo Yemen, inta la ogyahay.

Fariintii ugu horeeysey ee uu wiilkani soo daaboco waxa ay u qorneyd sida hoose

Nov 3, 2002: In the first known US targeted assassination using a drone, a CIA Predator struck a car, killing 6 (Yemen) news.bbc.co.uk/2/hi/2402479…

oo fasiraadeedu tahay (November, 3, 2002, weerarkii ugu horeeyey inta la ogyahay oo Maraykanka u adeegsado dayuuradaha Drones-ka ayaa lagu qaaday gaari marayay Yemen, laguna diley 6 qof, waxaana sheekadaasi daabacday BBC waxaana laga heli karaa xididka ahYemen) news.bbc.co.uk/2/hi/2402479…

Wiilkani waxa uu sidoo kale abuurey barnaamij xagga taleefoonka casriga ah ee Iphone oo qofka u sahlaya in uu tixraac ku sameeyo weerarada Drones-ka ee Maraykanka. balse shirkadda Apple ee soo saarta taleefoonkan ayaa diidey in la isticmaalo barnaamijkani.

Fariin uu kadib soo dhigey bogiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “tan iyo intii shirkadda Apple ay joojisey barnaamijkeyga,oo lix maalmood laga joogo, waxaa dhacay shan weerar oo Drones ah oo Pakistan lagu qaaday” ayuu qorey Begley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII