Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

(sawirro) Kooxda Farjanno ee ka dhisan Kismaayo oo 2 & 0 ku suul daartay Guulwade

cIYAAR kISMAAYO 2Ciyaar xiiso leh ayaa dhexmartay naadiyada ka dhin magaalada Kismaayo, Farjanno iyo Guulwade.

Ciyaartaas oo dhacday shalay galab waxaa kasoo qayb galay dadweyne badan waxayna labada naadi soo bandhigeen ciyaar wanaag.

Waxay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 0:0 laakiin markii la isku soo laabtay qaybtii dambe waxay naadiga Farjanno soo bandhigeen ciyaar ka qurux badan tii hore waxayna 2:0 ku dardareen naadigii xaafadda Guul-wade.

Wareegga ciyaaraha xaafadaha Kismaayo oo maraya wareegii 8-da koox waxaa galabta wada ciyaaraya Iskufilan iyo Kanafa oo haatan bilaabanaysa.Ciyaar Kismaayo 3

Waxaa ciyaarta garsoore ka ah Maxamed C/Laahi oo ku magac dheer SLA oo isagana kamid ah dhalinyarada magaalada KISMAAYO EE Gobolka Jubbada Hoose, Ciyaarta oo galabta xili danbe soo dhamaaday waxii kasoo baxa wararkeena danbe ayaad ku arki doontaan Insha Allah.

Garoonka kubadda cagta Kismaayo oo lahaa darbi 2mitir ah oo garoonkoo dhan ku wareegsan ayaa la burburiyay dhammaantiis waxaana garoonka hareerihiisa laga dhisay guryo.

CIYAAR Kismaayo

11 Responses to (sawirro) Kooxda Farjanno ee ka dhisan Kismaayo oo 2 & 0 ku suul daartay Guulwade

  1. Msh alh
    lkn cupka waa xakeena
    calanley wxa lakeenaya
    xfda qolateen cupla insh alh
    KISIMA BOYS
    AYAA SOHOGAAMINAYO CUPKA

  2. War wanaagsan waa iikow ood kismaayo kaqortaan.kismaayo waalayaqaan ragi qaranka somaliyed rer kismaayo ayay badi ahaayeen fadlan warqaad noobalamiya kooxdi qaranka matalaysan e maalin dhawayd uganda lagusookufsaday xaafada gulwade ayaaba cashir udhigilahayd

  3. Wiil hawiye says:

    Somalia la cibintooda waa banaadir kismayo kuwa ciyaraa wa qurumin o waxbo ka senin lacib hadad u bahato waxa ugu timada magalada muqdisho ee gobolka banadir daarod hadad lacib rabto u imaw hawiye laacib hawiyeeeeee vivaaaaaa

    • Asxaabta warqaad waan salaamayaa salaaan kadib aad baan ugu faraxsanahay hormarka kasmaynayso kubada cagta waayahaan danbe oo ay kamid yihiin garoomada dhismahoodu ka socdo mmuqdisho iyo koobabka goboladu dhiganayaan intaas hadaan halkaa uga gudbo sports waa is dhex gal bulsho ee maahan qabyaalad taasna waxaan ogaysiinayaa sxbkayga labaxay wiil hawiye sxb waa laga tagay howshaas hada hurumar ayaa lagaaray dhinicii qabyaalada marka magaca badal reer baadiyaa lagu moodayaa yaakhee sida isku dhaan qabyaaladu waxay ahayd 23sanoo ee lasoo dhaafay noqo qof bulshaawiya ee ha noqon qof cunsuriya

  4. jiirow says:

    sidaasi ma aha waaykaa qaldoon tay walaal ee ciyaar taan aad soo qaadatay waa ciyaartii farjano iyo himilo waxayna kudhamaatay o.o waxaaa lagukalabaxay riqoore waxaana badisay farjano .farjano iyo guulwade wayciyaareen waxayna kudhamaatay o.o waxaa rigoore kusoobaxay guulwade waxaakale soobaxay kaneefa waxay wada ciyaaridoonan fiinalka guulwade iyo kaneefa haduuallaah awooda leh uu idmo berito oo jimcaha ah fadlan iska huwiye idinkoo hadalka gudbin waa yo beentuwaa xaaran walaal ,masheegikaro qofka kuusogud biyay inuuyahay taageero farjano asc mahadsanid

  5. Warqad kubada cagta ben haka sheegina ciyaarti GUULWADE V/S FARJANE waxay kudhamaatay 1:1 waxaa rigoore kusoo baxday GUULWADE, ciyaartaa KANAVA V/S ISKUFILAN waxay kudhamaatay 0:0 waxaa rigoore kuso bxday KANAVA, ciyaarti kama danbeyska waxa waad ciyaaray GUULWADE V/S KANAVA iyada guusha 2:1 ay kuraacday koxdi ku ciyaaraysay magaca GUULWADE, hadaba GUULWADE ayaa ah koxda hanatay horyalka kubada cagta sanadkan. Iska hubiya wararka aad soo qaadanaysaan.

  6. Aqyarta sharafta leh ee webka fadlan ha fududanina kooxda ad ku shegten in laga badiyay e guulwade iyda hanatay cupki shalay lagu so gabagabeyay kismaayo cupkuna waxaga gulwade hada

  7. Ahmed jama says:

    wiil hawiye Ma wali jaahilnimo iyo mooriyaanimo kama gudbaysid miyaa inta soomali ka dhimatay ma dareemeysid miyaa bro qabiil ka gudub nin dhalinyaro noqo aduunka dad ayaa la badsadaa ee dad lama diido taas ku waani kuwa kalana daarood iyo hawiye waa walaalo mana kala tagayaan ogow

  8. Mashalaah dhaliyarada somaliyeed qurux badanaa iyo magalada. Kismayo casimadena 3 masha allaah guuul cadoga ahala kaqabto kismayo. Hormarka kudadalaaa iyo siku dubnii rer kismayo. Isracaaaa

  9. Ciro ali ahmed says:

    A.s.c.dhaman iyarta kadhibatay figradahoda.marka hore waxan uhambalyenaya kisayo oo imbadan.aan lagu arag website yada hanbalyo labad waxan udiraya kooxda kubada cagta ee garahan kasoo jeeda farjino waxan idhihilahaa guul wacn isbartiba kismayo oo anlagu qaban ciyaro website yada lagu qore a.s.c

  10. Maxamed yare says:

    Waaw waaw wax lagu farxo kismayo oo aad wax ka shegtan oo ku saabsan arimaha bulshada koobkaasna waxa qadaya kooxda farjano kasocota farjano guul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII