Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Meydka Ruux ay dileen ciidamada Kenya oo Islii lagu arkay iyo Howlgalka oo si xowli ah usoconaya

Islii-BaaritaanHowlgallo balaaran ayaa wali ka soconaya xaafada ay Soomaalidu degan tahay ee Islii gudaha magaalada Nairobi iyadoona howlgalkan ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Booliska, Militeriga iyo kuw GSU-da

Dadka ayaa bilaabay in ay guryahooda ku ekaadaan oo aysan banaanka usoo bixin xili Kenya ay ciidamo badan kusoo daadisay xaafada Islii iyadoo lasugayo amaanka maadaama Kenya looga dabaal dagayo maalinta xoriyada

Hadaba Wararka naga soo gaaraya halka loo yaqaan Calofornia ee xaafada Islii ayaa waxaa lagu arkay galabta meydka qof rayid ah, iyadoo aan lakal cadayn karin in ruuxaas rayidka ah uu Soomaali ama Kenyan yahay.

Hase ahaatee waxaa jirwa warar sheegaya in ciidamadii howlgalkaas waday ay rasaas ku fureen ninkan kadib markii sida la sheegay uu isku dayay inuu baxsado

Diyaaradaha dagaalka (Miig) ayaa hawada sare ee Islii isku qalaama gaddinaya iyagoo  joog hoose ku duulaya, taasoo macneheedu yahay maalinta Jamhuria Day.

Wali ayaa waxaa xaafada ka soconaya howlgallo balaaran iyadoo dad aad ubadan ay xabsiga dhigeen ciidamad KENYA ee howlgalka wada.

Warqaad.com/Nairobi Office

2 Responses to Meydka Ruux ay dileen ciidamada Kenya oo Islii lagu arkay iyo Howlgalka oo si xowli ah usoconaya

  1. maxamed says:

    ninka soo galiyay warkaan sheegaya in islii ciidamo badan lagu soo daadiyay ilaahey hakabaqo kalfornia aniga ayaa dagan qofna laguma dilin ee dadka haqalqal galina

  2. Galmudug says:

    Waxaa jirey xili uu maxamed siyaad bare yiri waxaa igu balan ah kenya waxay wado haday deyn weyso inaan islii ka casheeyo kenya waxay markiiba u dirtay diyaarad qaas ah wuu ka casheeyey isla habeenkii waxay ku dhaheen hadii aad caweyba rabto gobolka waqooyi bari waan kuu saxiixayna minaa u kala roon faarax macalin oo yiri kismaayo maantay kadib soomaaliya lagama xukimidoono iyo maxamed siyaad bare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII