Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maamulka Kismaayo oo amar culus kusoo rogay Ganacsatada Magaalada “Faah Faahin”

Suuqyaraha-KismaayoMaamulka magaalada Kismaayo ayaa ammar kusoo rogay in dadka ka ganacsada dharka ee loo yaqaan Warato aysan suuqa soo dhigan karin dharka ilaa iyo inta qorshe uu maamulku soo wado laga hirgalinayo.

Ganacsatada waratada oo dharkooda soo dhiga meelo aan ku haboonayn oo waddada hareereheeda ah ayuu maamulku ka codsaday ilaa goorta looga samaynayo meelo ay ku ganacsadaan inaysan dharka suuqa soo dhigin.

Waa ammarkii labaad oo kasoo baxa magaalada Kismaayo, shalay waxaa warfidiyeennada lagu amray inaysan wax war ah dirin ilaa iyo ammar dambe oo maamulka kasoo baxa.

Inkastoo suuqa magaalada Kismaayo ee loo yaqaan Suuq-Yare uu soo dhex-galay xaafadaha magaalada haddana waxay ganacsatada waratadu dhagta u taagayaan halka lagayn doono.

Warqaad.com/Muqdisho Office

5 Responses to Maamulka Kismaayo oo amar culus kusoo rogay Ganacsatada Magaalada “Faah Faahin”

  1. tamaam says:

    KkkkkkkkkkkkMarksay wax lashEekaysta waayen ayaa dadka la daan daandaansan

  2. shaahid5544 says:

    murtadiinta uu waji madoobe horboodo waxaan qas iyo lab ahayn uma soo siyaadin magaalada kismaanyo waa maray shacabka layaan maray dhacaan iyo maray gabdhaha kufsadaan.

  3. Wiil saran soor says:

    Waretadu markey shababtu jogtay amaan balaaran bey ahasteen hataa dharkoda halkey malinki ku gatan bey habenki kaga hoyan jiren hadana matanba udanbeysey

  4. shidane says:

    waa wax fiican balse waa in meel dag dag ah loo qorsheeyaa

  5. Moh kismayo says:

    Shahid adiga aya murdaad ah iyo gal xun e dadka sharafta leh afkaga uraya ka si jeedi duliyohoow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII