Dowlada dalka Kenya ayaa sheegtay in howlgalkii xaafada Islii ee magaalada Nairobi lagu qabtay dad aad ubadan oo ah ajaanib badankooda Soomaaliya ka yimid.
Dadkan Soomaalida ah ee la qabtay ayay Kenya sheegtay in ay gaarayaan ilaa 600 oo ruux kuwaas oo si sharci daro ah Kenya ku joogay
Wasiirka socdaalka Kenya Otieno Kajwang ayaa usheegay barlamaanka in amaanka Kenya ay caqabad ku yihiin dadka Sharci darada ku jooga.
‘Dooda haatan taagan waxaa ay dhamaanaysaa marka dadka qaxootiga ah loo celiyo dalkooda maxaa yelay iyaga ayaa sabab u ah dhibaatada na haysata, waana fikirka wasaarada amniga gudaha” ayuu sheegay Mr Kajwang’ said.
Howlgalka ayuu sheegay inuu sii socon doono maalmaha soo aadan ilaa inta gudaha Kenya laga weynayso qof si sharci daro ah ku jooga.
Ciidamada Kenya ayaa howlgallo balaaran ka wada xaafada Islii ee magaalada Nairobi iyadoo boqolaal dad ah xabsiga loo taxaabay.
Warqaad.com/Nairobi Kenya Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Dhib male soo celi dadka iyakoo nabad ah
Iyakana markaas ay wadanka kusoo laabtaan aya karaafi doonan kuwa gaarisa kasoo boobtagaye