Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa daboolka ka rogay in Burcad badeeda Soomaalid lagu maxkamadeynayo dalka Soomaaliya.
Caydiid C/laahi Ilkaxaraf ayaa warkan ka sheegay Munaasabad lagu soo xirayay tababar loo fidinayay ku dhawaad 90 xeer ilaaliye waxaana uu sheegay in burcad badeeda la qabto loo baahan yahay in loo soo gacan galiyo dowladda Soomaaliya si loogu maxkamadeeyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ilkoxanaf ayaa ka dalabaday dowladdaha Ciidamadu ka joogaan xeebaha Soomaaliya in burcad badeeda aysan dalalkooda u qaadan ee taa badalkeeda ay ku soo wareejiyaan Soomaaliya.
Ikaxanaf ayaa hoosta ka xariiqay in ay awood u leeyihiin Maxkamadeynta burcad badeeda Soomaalida ee lagu qabto iyagoo isku dayay in ay afduubtaan Maraakiib ama qafaasha Maraakiib shisheeye.
Hadalka Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa imaanaya xilli golaha Ammaanka fadhi ay ka yeesheen Arrimaha burcad badeeda ay sheegeen in loo baahan yahay in dal kasta uu sharciyadiisa ku xoojiyo Maxkamadeynta Burcad badeeda.
Asc waad ku suubisen gaalada xeebahena jogta thanks