Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO: Dad badan oo xabsiga loo taxaabay magaalada Jowhar kadib howlgallo la sameeyay

Ciidamada nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa howlgallo balaaran ka sameeyay xalaf xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay dad la sheegay in ay kamid ahaayeen dagaalyahanada Shabaab oo magaalada si dhuumaalaysi ah ku joogay.

Sargaal katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isgaoo kusugan magaalada Jowhar waxaa uu sheegay in gacanta lagu dhigay ilaa 12 kamid ah dagaalyahanada Shabaab.

Dadka la qabtay waxaa ku jira dhalinyaro iyo haween u adeegayay Shabaab gaar ahaan in ay falal weeraro ah ka gaystaan gudaha magaalada sida uu sheegay Afhayeenka maamulka dowlada ee Sh/dhexe Daa’uud Xaaji Ciro.

Riix Halkan si aad Waraysiga udhagaysato.

Xalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay qarax kaas oo lagu weeraray xarun ay kusugnaayeen saraakiisha Militeriga iyo maamulka magaalada.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII