Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dagaal aan waxbka la iskula harin oo dhexmaray Shabaab iyo Militeriga Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo udhaxeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Militeriga Itoobiya iyo Shabaab uu halkaas ka dhacay galabta.

Ciidamada Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in weerar xooggan ay ku qaadeen gaadiid dagaal oo marayay inta udhaxeysa degmada Bardaale iyo deegaanka Yurkud ee xariirinaya gobolka Bay iyo Gedo.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad uxogan iyadoo lasoo sheegayo in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac dagaalkan kasoo gaaray.

Qof kusugan magaalada Bardaale ayaa sheegay in ku dhawaad 10 kamid ah dhinacyada dagaalamay ay ku dhinteen dagaalkan ka dhacay inta udhaxaysa Bardaale iyo Yurkud.

Dhaawacyo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa lasoo sheegayaa in sidoo kale la geeyay saldhigyo Militeri oo ay askarta Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Yurkud.

Dagaalka maanta dhacay ayaa noqonaya mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ee ka dhacay gobolka Bay waayadan iyadoo dhinacyada dagaalamay aysan wax war ah kasoo saarin dagaalkii Galabta.

Warqaad.com/Muqdisho OFFICE
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

6 Responses to Dagaal aan waxbka la iskula harin oo dhexmaray Shabaab iyo Militeriga Itoobiya

  1. shaahid5544 says:

    itoobiyaanka nasaarada ah iyo murtadiinta soomaalida ah way ku jabeen dagaalka,bakhtigoodii ayay kacarareen hub badana waa laga furtay allaahu akbar.

  2. shaahid5544 says:

    janadoonayaal way jihaadeene joon iyo jansanba jilibkay ulaabeene jixinjix magalo markay gaalka jabiyayaan allaw jawaabtood sii way jihaadeene jin iyo insi waxa lagu qoonsaday waa jihaadkaase

  3. shaahid5544 says:

    janadoonayaal way jihaadeene joon iyo jansanba jilibkay ulaabeene jixinjix magalo markay gaalka jabiyayaan allaw jawaabtood sii way jihaadeene jin iyo insi waxa lagu qoonsaday waa jihaadkaase.

  4. Mukhtaq says:

    Ar maxaa meshaas xabashi kudhamatey

  5. Gaalada illah haduleyo way duleydoowe alaahu akbar

  6. Qaasin bay iyo bakol says:

    Cadowga somaliya oo ku dagaalamey inta udhexeysa magaalooyinka luuq iyo bardaale waa kuwo aan wax dan ah uwadin somaliya khasaaro mooyee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII