Shil aad unaxdin badan ayaa maanta ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir kadib markii sida la sheegay uu fariinka goostay gaarigaas oo nooca raaxada ahaa.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaarigan oo ku socdaalayay Wadada dabka uu fariinka goostay kadibna uu ka dhacay buundada labaad ee degmada Waabari.
Wadihii gaariga oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa xakayn waayay gaariga markii uu fariinka goostay, waxaana uu kusoo leexiyay meel ay ku socotay howl looga qodyay musqulo badan.
Shilkaas ayaa dilay Ninkii Injineerka ahaa ee dhisayay goobtaas godka ah, halka isagoo dhaawac ad udaran ah isbitaalka loo qaaday wadihii gaarigan fariinka goostay.
Shilkan Naxdinta leh ayaa dadkii goob jooga ahaa waxaa ay sheegeen in ay la yaabeen, iyadoona gaarigan aan la ogayn sababta uu fariinka ugoostay maadaama markii hore uu wanaagsanaa.
SAWIRADA DAAWO
waa qadar rabi inta dhimatay alaha unaxariisto inta dhaa waca ahna alahashaafiyo aamiin aamiin aamiin