Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Augustine Mahiga oo soo dhaweeyay qabsashada Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa soo dhaweyay la wareegitaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhaxe.

Augustine Mahiga tilmaamay in guulaha hormarka leh ee ay ku talaabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay muu jinayaan sida Soomaaliya ay wadada dhismaha iyo hormarka ugu talaabsaneyso.

“Waan soo dhaweynayaan qabsashada Magaalada Jowhar oo laga saaray Kooxaha Al Shabaab iyo kuwa la midka ah waxaana filayaa in dadaalada halkooda laga sii wadi doono” sidaasi waxaa sheegay Wakiilka Soomaaliya Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.

Dhanka kale Augustine Mahiga ayaa ugu baaqay ha’adaha samafalka in ay gaaraan Magaalada Jowhar si wax loogu qabto dhamaan dadka dhibtaateysan ee ku nool halkaasi.

Augustine Mahiga ayaa ugu danbeyntii sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay taageerida dadaal kasta oo Soomaaliya lagu nabadeynayo loogana saarayo mashaakilaadka ay mudada ay ku soo jirtay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII