Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha magaaladaas ku dileen mid kamid ah dadka deegaanka.
Dadka magaalada kusugan ayaa Warqaad.com usheegay in Al-Shabaab ay gudaha magaalada soo dhigeen meydka Ninkan oo si weyn looga yaqaanay Ceel-dheer.
“Gaari nooca dagaalka ah ayay Shabaab Ninkan ku keeneen, waxaana ay soo dhigeen magaalada”ayuu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta ay Al-Shabaab udilen Ninkan kamid ahaa dadka magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Waan ka xunahay dilka ay dilayaan ninkasta oo ay u araakan inuu neceb yahay waydilyaan laakiin wuu dhamaan doonaa dilkaas ee waxaan leeyahay hala aqoon sado cidkasta oo waxa dileysa