Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qarax xooggan oo ciidamada dowlada lagula eegtay degmada Hurwaa

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowlada.

Gaarigan oo nooceiisa lagu sheegay Cabdo-bile ayaa kasoo anbabaxay Degmada Balcad waxaana uu marayay wadada dheer ee soo gasha degmada Hurwaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa Warqaad.com usheegay in qaraxan uu gaystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii saarnaa, waxaana uu si gaar ah kaga dhacay isgoyska Ex Control Balcad ee degmada Hurwaa.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa sadlhig ciidan ku leh askarta dowlada iyo kuwa Amisom, iyadoo markii qaraxaas uu dhacay kadib goobta ay gaareen ciidamo dowlada katirsan.

Ilaa 4 ruux ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada ay ku qabteen halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen falkaas qaraxa ah ee ciidamada dowlada lagu weeraray,.

Qaraxyada ayaa waayadan kusii badanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowlada.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email: Warqaad@hotmail.co.uk

One Response to Qarax xooggan oo ciidamada dowlada lagula eegtay degmada Hurwaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII