Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa hortagay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga kuwaasi oo la weydiiyay su’aalo shaqadooda ku aadan.
Afhayeenka barlamanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cusman Jawaari ayaa ugu horeyn hor dhigay Labada wasiir Su’aallo ay weydiiyeen barlamanaka qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu gu horeyn weydiiyay Marwo Fowsiyo Wasiirka Arrimaha dibada waxa keenay in xiligan la kireeyo Saafarad Soomaaliya ay leedahay iyadoo dalku uu ka baxay Kumeelgaar.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo su’aasha barlamanka ay weydiiyeen ka jawaabeysay ayaa sheegatay in iyada iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ka soo horjeedaan talabadaasi islamarka ahaantaana aan la aqbali doonin in arrin sidaasi u fool xun ay dhacdo.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in guddi ay iyadu madax u tahay loo xil saaray Arrinta Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo dhawaan uu shaaciyay Nuucade Safiirka u fadhiya Soomaaliya Talyaniga iyo Midowga Yurub in dhismaheeda la kireynayo.
Nurcade asa kiraystay safarada dhaqalo ayona karabyay sabto ah mel ayay ku tilay waxba ugama bahnaynin maxow karabayay talyaniga dhulkoda aya somalia ku yal kas ayoyna lamid ahye dantisa ayow firsaday hadana dowlada italy aya laga raba in ay dadka kasaeto
Haye gerwene wari ye manaqatay