Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la sii dayay Wariyihii BBC-da

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la sii daayay wariyihii BBC-da Ibrahim Max’ed Aadan oo muddo u xirnaa.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu cadeeyay in la sii daayay Wiriyihii BBC-da laanta Afka Soomaaliga Ibrahim Max’ed Aadan.

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa balamanka u aqriyay warqada lagu sii deynayo Ibrahim Max’ed Aadan waxaana uu xusay in Mas’uuliyiin BBC-da ka socda ay yimaadeen islamarkaana ay is afgarteen.

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka cudur daartay in uu ka jawaabo dhawr su’aal oo kale waxana uu sheegay in ay u yaalaan howlo shaqo oo aad u muhiim sida uu hadlak u dhigay.

Wariyaha BBC-da ee Laanta Afka Soomaaliga Ibrahim Max’ed Aadan ayaa xabsiga la dhigay muddo dhawr Isbuuc hada laga joogo markii ay soo eedeysay Maxkamada Ciidamada qalabka sida .

 

2 Responses to Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la sii dayay Wariyihii BBC-da

  1. Mohamud says:

    Wariyaha maxey ka raban wareroyinka

  2. mr badal says:

    wa in laxira waxi war xuma wada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII