Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-Shabaab oo weerar bambooyin ah ku qaaday xarun ay saraakiisha ciidamada ka degan yihiin Jowhar iyo ragiii qaraxaas…

Wararka goordhow oo caawa ah naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar bambooyin ah lagu qaaday xarun ay saraakiisha dowlada ka degan yihiin magaaladaas.

Rag ku hubaysan Bambooyin ayaa isku dayay in ay gudaha xaruntaas galaan hase ahaatee waxaa ka hortagay ciidamo dowlada katirsan iyadoo markaas kadibna bambooyin la beegsaday xarunta.

Waxaa jira warar sheegaya in qaraxyadaas khasaaro ay kasoo gaareen ciidamada dowlada iyadoo ay kooxahaas ku guul daraystaan in ay gudaha ugalaan xarunta oo ay kusugan yihiin saraakiisha dowlada.

‘Halka weerarada qaraxyada ah ay ka dhaceen waa dhismaha xaruntii dalxiisaka magaalada Johwar oo ay degan yihiin saraakiisha dowlada, waana la fashiliyay weerarkaas”ayuu sheegay sargaal katirsan ciidamada amaanka oo WARQAAD.COM lahadlay.

Ciidamada dowlada ayaa ilaa 9 ruux uqabtay falkaas kuwaas oo la sheegay in qaarkood dhaawac uu kasoo gaaray weerarkan lagu qaaday saldhig ay saraakiisha dowlada ka degan yihiin Jowhar.

Xaalada magaalada ayaa haatan caadi kusoo laabatay inkastoo ay ciidamada dowlada wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii falalkaas weerarka ah ka danbeeyay.

Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

3 Responses to Al-Shabaab oo weerar bambooyin ah ku qaaday xarun ay saraakiisha ciidamada ka degan yihiin Jowhar iyo ragiii qaraxaas…

  1. Al shabab hooyadood ana wasa nacaladbaa dhashey anaa dhib ku qabee meel aanka aadaan garan la.ahaye

  2. Mukhtaq says:

    Al shabaabt darogiste adiga oo kale ah manoqdo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII