Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibaano goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay goordhow gaareen mudanayaal katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada iyadoona madaxda maamulka gobolka ay ka qeyb qaateen soo dhaweynta ciidamadaas.

Mudanayaasha barlamaanka ee gaaray magaalada ayaa gaaraya ilaa afar waxaana ay kasoo jeedaan dadka deegaanka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wariye kusugan B/Weyne ayaa Warqaad.com usheegay in amaanka magaalada aad loo adkeeyay, wafdigan xildhibaanada ahna loo galbiyay hoteel magaalada kuyaal.

Sababaha ay wafdigan utageen magaalada ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay qeyb ka tahay howlo ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in lagu mideeyo maamulada gobollada iyo dowlada dhexe.

Wararkii soo Kordha dib kala soco Warqaad.com Insha Allah

2 Responses to Xildhibaano goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

  1. Shaah cabe says:

    Waa.caamiliin.gaaladaushaqeeya

  2. Mahad aadan abdulle mahadyare75@hotmail.com says:

    Waa wax lagu farxo in ay xildhibanadenii ay sogaran gobolka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII