Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho kasoo dagtay Madaxweynaha dowalda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Wafdi Wasiiro ah iyadoo lagu soo qaaday diyaarad Turki laga leeyahay.
Wariyaasha ayaa looga yeeray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kahor inta uusan Madaxweynaha kasoo dagin magaalada, waxaana Wariyaha Warqaad oo haatan garoonka kusugan uu soo sheegayaa in Madaxweynaha si weyn loo soo dhaweeyay.
Markii Madaxweynaha uu kasoo dagay garoonka ayaa waxaa uu lahadlay saxaafada isagoo ka warbixiyay safarkiisii dalka Turkiga iyo kulamadii uu madaxda dalkaas lasoo qaatay.
Waxaa uu sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga heshiisyo kala duwana ay lasoo galeen madaxda dalkaas gaar ahaan Wasaarada Arimaha gaashaandhiga iyo Arimaha dibada.
Dalka Turkiga ayuu sheegay inay xili kasta garab taagan yihiin gaar ahaan sidii loo dhisi lahaa hay’adaha dowlada iyo ciidamada.
Warqaad.com/Muqdisho Office
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Wat
Kasoo dagtay, misee kasoo dagay?
Asc madax weynaha somaliyed xasen shekh maxamud waxan ka codsan lahaay in aw wax ka qabto dadka somaliyed oo kenya lakula tumanayo
Wa guul sodhawdynta madaxweynaha