War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la socon waxbana ka ogeyn abaabulka iyo Ajandaha Shirk ay qabanqaabineyso Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo kaashaneysa NGOs.
Haddaba tallaabadaan ay dawladda federaalka Soomaaliya qaadatay ayaa ah mid geesinimo iyo waddaninimo leh maadaama dawladda Federaalka ay maanta tahay dawlad awood u leh in ay maamusho dalkeeda iyo dadkeeda isla markaana iyadu go,aan ka gaari karta wax kasta oo saameyn ku yeelan kara qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,waxaana kaloo lagu tilmaami karaa in tillaabadaan ay tahay mid taariikhi ah waayo waxay dawladdu difaacday qaranimada Soomaaliyeed.
Ilo xog ogaal ah oo ka agdhaw dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda dawladdu si gaar ah uga shiri doonto hirgalinta geeddi socodka ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale wararka la helayo ayaa intaasi ku daraya in dawladdu wadatashi ugu yeertay danjiraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta QM ee Gineva mudane Yuusuf Maxamad Ismaaciil Bari bari. Maadaama uu isagu imtixaanka Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo Universal Periodic Review, qeyb weyn ka soo qaatay billowgiisii.
3 May iyo 21 September 2011 inta u dhexeeysay DFKMG Soomaaliya waxeey ku guuleeysatey in ay si wanaagsan uga gudubto imtixaankaas. Waana marka ugu horreysay ee ay Soomaaliya marto imtixaanka Golaha Xuquuqal Insaanka ee QM oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo Universal Periodic Review.UPR
Magaalada Geneva ee waddanka Switzerland 28kii September waxaa lagu soo gabagabeeyay shirweynihii 21aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM, kaasoo aad looga dooday arrimaha Soomaaliya, maadaama isbadal weyn oo taariikhi ah uu wadanka ka dhacay.
Shirkaas waxaa ka qeybgalay Danjiraha Soomaaliya isla mar ahaantaasna ah Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xaruunta QM ee ku taal magaalada Geneva Dr.Yuusuf Maxamad Ismaaciil Bari bari, isagoo magaalada Geneva ku sugan ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in qaraarka 9aad ee Golaha Xuququl Insaanka tan iyo 2008dii si buuxda loogu sixiixo muddadaas.
Amb. Bari bari ayaa tilmaamay in sababta shirkaas uu Soomaaliya muhiimka ugu ahaa ay tahay Soomaaliya oo ka baxday xilligii dheeraa ee KMG ahaa, waxaana uu tilmaamay in sidaas darteed la isku raacay in dawladda cusub la siiyo taageero toos ah, taasoo ay ka qeyb qaadanayaan dawladaha Soomaaliya saaxiibka la ah iyo kuwa cusub ee daneynaya arrimaha Soomaaliya, iyo waliba QM.
56 dal waxeey Soomaaliya u soo jeediyeen 155 talooyin. DFKMG wada tashiyo dheer ka dib waxeey ogolaatey 151 talooyin.
Haddaba warsaxaafadeedka Dawladda ayaa u qornaa sidaan :-
Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.
Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR), iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura.
Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.
Qm maxaa kagaley somaliya maxey nagarawan shirkooda ma rabno
Illah amar kiisa la qaadan waayay amar gaala ayaad noo heysaan
asc war mabda gaalo waad ku shaqaynaysaa ee bulshada somaaliyeed oo muslimka ah beenta ka daaya waxaad diidi kartaan iyo waxaad oglaan kartaan m leh mahiiga ayaa gambar gaaban iinku fadhiya